Tababare Low oo markale Ter Stegen qalbiga ka jebiyay wuxuuna la saftay Neuer!

0
256

 

Madaama xulka Jarmalka koobkii aduunka 2018 si fashil ku dheehan ku dhameesteen sidoo kalena tartankii UEFA Nations League jab xoogan u geesteen France iyo Holland waxaa la islahaa dooda ah cidda qabaneyso goosha kowaad xulka Jaramla masii socon doonto.

Aragtida guud ee gudaha Jarmalka ka jirto ayaa ah in goolhaye Manuel Neuer hogaaminta goosha uu ku wareejiyo goolhayaha ka dhalinyar sidoo kalena waqtiga wacan ku jiro Marc-Andre ter Stegen.

Balse waxaa la yaab noqotay in tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low qalbiga ka jebiyay Ter Stegen sidoo kalena shaaca ka qaaday in Neuer yahay kabtana iyo goolhayaha kowaad xulka Jarmalka halka Stegen ahaan doono goolhayaha labaad xulka Jarmalka!

Tababare Low wuxuu yiri “Bishii November ayaan dhahay Neuer waa kabtankeena sidoo kalena goolhayaheena kowaad wuuna sii ahaan doonaa sidoo kale Ter Stegen ah ogaado waa goolhayaha labaad ee xulka sidoo kalena muhiim inoo ah.”

Xulka Jarmalka waxay arbacadan la cayaarayaan Serbia kulan saaxiibtinimo halka Axada dambe ay wajihi doonaan xulka Holland isreeb reebka Euro 2020.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan