Taageere Liverpool oo si uu u daawado Kulankii Bayern iyo Liverpool arin layaab leh sameeyay.

0
238

Taageere kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa arin yaab leh sameeyay cayaartii Liverpool 1-3 uga badisay kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich kulan katirsanaa lugta labaad ee wareega 16aad tartanka Horyaalada Yurub.

Liverpool oo kulankii Anfield barbaro goolal la’aan ah gashay ayaa u safartay magaalada Munich si ay halkaas ugu cayaarto kulanka labaad iyagoona guul weyn halkaasi ka soo gaaray kadib labo Goal oo uu dhaliyay laacibkooda Sadio Mane iyo goolkale oo uu raacsaday Vrigil van Dijk.

Hadaba taageero Liverpool ah isla markaasna aanan wadanin wax tikid ah ayaa si uu cayaarto u daawado wuxuu iska dhigay shaqaalaha nadaafada garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena asigoona kusoo labistay dharka ay xirtaan shaqaalaha nadaafada kadibna sidaas ku daawaday cayaarta.

Waxaa xusid mudan in Liverpool maalinta bari ah la cayaari doonto kooxda Fulham kulan katirsan wareega 31aad ee tartanka Horyaalka Premier League kaasoo meeshii ugu xiisaha badneyd maraayo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan