Sadio Mane oo ay macquul tahay inuu seego kulanka Fulham. Maxaa soo kordhay?

0
129

Laacibka kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu soo waramayaa iney macquul tahay inuu seego kulanka muhiimka ah ee kooxdiisa la cayaari doonto kooxda Fulham wareega 31aad ee tartanka Horyaalka EPL.

Mane oo kulamadii ugu dambeeyay si isdaba jog u cayaarayay sidoo kalana goolal muhiim ah kooxdiisa u dhalinayay ayaa haatan la sheegayaa inay macquul tahay inuu seego kulanka Bari kooxdiisa la cayaari doonto kooxda Fulham.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror Mane ayaa ka maqnaa tababarkii kooxdiisa Liverpool sameysay shalay oo jimce aheyd asigoona qeyb ka aheyn xidigaha Liverpool ee tababarka qaatay lamana oga sababta.

Ilaa iyo haatan majiraan wax war oo kasoo baxay dhanka kooxda Liverpool hadii uu dhaawacanyahay iyo hadii arimo kale jiraanba balse maanta galinka dambe ayaa la ogaan doonaa wixii soo kordho.

Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyay cayaaraha fadlan rukumo Webka Gool.net.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan