Macalin Zidane oo guul lasoo laabtay xili xidigihii dhibanaa ee Isco iyo Bale shabaqa soo taabteen.

0
121

Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid Zidane ayaa soo laabashadiisii guul ku hogaamiyay kooxda Real Madrid kadib markii kooxdiisa Real Madrid 2-0 kaga badisay kooxda Celta Vigo.

Xidigihii kursiga keydka ku dhibanaa ee Marcelo Navas Bale iyo Isco ayaa shaxda kooxda dib ugu soo laabteen ayagoona qeyb libaax ka qaatay guusha kooxda gaartay.

Navas ayaa badbaadin cajiib ah sameeyay qeybtii hore ee cayaarta asigoona suurto galiyay in 0-0 cayaarta kusii haayo xili Isco iyo Bale qeybtii dambe shabaqa soo taabteen.

Marcelo oo sidoo kale dhibane ahaa mudadii uu macalin Zidane maqnaa ayaa isna shaxda dib ugu soo laabta sidoo kalana caawin ka geystay goolkii labaad ee Bale dhaliyay.

Guushaan ay Real caawo gaartay ayaa kalsooni siineyso xidigaha kooxda Real Madrid oo xaalad aan fiicneyn ku jiray tan iyo bilowgii sanadkaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan