Macalin Sarri oo kahadlay muhiimada kulanka Everton iyo hadii uu kusoo bilaaban doono Ruben Loftu-Cheek.

0
170

Kadib guushii weyneyd ee ay ka gaareen tartanka Europe League macalinka kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay kulanka adag ee kooxdiisa la cayaari doonto kooxda Evertton maalinta bari.

Macalin Sarri ayaa yiri; “Kulanka Everton wuxuu noqon doonaa mid aad u adag sidoo kalana muhiim ah, aragti ahaan aniga waxaan qabaa in Everton tahay kooxda ugu fiican tayo ahaan markii laga soo tago kooxaha Top6, sidaas owgeed waa inaan ciyaar weyn soo bandhignaa si aan u guuleysano”.

Sarri ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada wiilka wacdaraha ka dhigay Europe League ee Ruben Loftus-Cheek iyo hadii uu diyaar u yahay in kulanka bari lagu soo bilaabi karo wuxuuna yiri; “Kulanka Everton waa inaan xaaladiisa qiimeynaa wuxuu markii ugu horeysay cayaaray 90 daqiiqo tan iyo markuu soo laabtay, sidaas owgeed manaqaano (haduu kusoo bilaaban doono) waxaan go’aansan doonaa cida cayaari doonto kulanka Everton inta lagu guda jiro tababarka sabtida”.

Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyay cayaaraha fadlan Rukumo Webka Gool.net.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan