Luis Valencia aabaha dhalay Antonio Valencia oo sheegay in wiilkiisa doonayaan kooxaha Arsenal iyo Inter Milan.

0
107

Antonio Valencia heshiiska uu kula jiro kooxda Manchester United wuxuu dhici doonaa dhamaadka bisha juun isagoona wixii markaas ka dambeeyay Free noqon doono wuxuuna ku biiri karaa kooxduu doono.

Hadaba aabaha dhalay Antonio Valencia oo lagu magacaabo Luis Valencia ayaa sheegay in wiilkiisa uu heysto dhowr dalab oo uu ka kala helay kooxo ay kamid yihiin Arsenal, Inter Milan iyo waliba xitaa kooxo China ka dhisan.

Luis Valencia ayaa yiri; “Arsenal iyo Inter Milan iyo kooxo China ka dhisan ayaa xiiseynayo asiga, wuxuu doonayaa asiga inuu jawiga badasho ilsa markaasna cusbooneysiiyo, waana tusaale nolosha caadiga ah”.

Asigoo ka hadlayay in waayihii Valencia ay ee Manchester United soo dhamaadeen wuxuu yiri; “dhamaanteena waan ognahay in qiso kasta dhamaad leedahay”.

Valencia ayaa loo badinayaa in uu ku biiri doono kooxda Inter Milan oo mudooyinkanba xiiseyneysay xili sidoo kale macquul tahay inuu Arsenal u baqoolo xitaa China waa macquul iyadoo waxwalbna ku xirnaan doonaan doonista Antonio Valencia.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan