Hordhaca kulanka Real Madrid vs Celta Vigo: Macalin Zidane guul maku daah furan doonaa soo laabashadiisa

0
117

 

Waqtiga Kulankan La Cayaarayo: (6:15 pm xiliga geeska Afrika)

Goobta Lagu Cayaarayo: Santiago Bernabeu

Tartanka: Spanish La Liga

Aqbaaraadka Cayaartooyda Labada Naadi:

Kabtan Ramos oo labadii kulan ugu dambeesay ganaax ku seegay ayaa kulankan dib ugu soo laabanayo. Sidoo kalena Bale isagana wuu kasoo kabtay dhaawacii dhanka qoobka uu ka qabay. Casemiro isagana kulankan ganaax ayuu ku seegayaa

Balse Real waxaa dhaawac kaga maqnaan doonaan cayaartooyda ay ka mid yihiin Vinicius Junior, Marcos Llorente, Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez.

Dhinaca Celta Vigo weli waxaa dhaawac kaga maqnaan doono Aspas sidoo kale Pione Sisto isagana si wanaagsan ayuu kusoo kabtay kulankana wuu cayaari karaa.

Shaxda Macquulka Ah Labadan Koox Kusoo Gali Karaan:

Real Madrid XI: Courtois; Odriozola, Varane, Ramos, Marcelo; Ceballos, Modric, Kroos; Bale, Benzema, Asensio

Celta Vigo XI: Blanco; Mallo, Araujo, Costas, Junca; Boufal, Lobotka, Boudebouz, Yokuslu, Sisto; Gomez.

Xaqiiqooyinka Muhiimka Ah Kulankan U Gaarka Ah:

Laga soo bilaabo 2000 ilaa haatan labadan koox 26-kulan ayay wada cayaareen waxayna Real guuleesatay 19-kulan ka mid ah halka Celta guuleesatay 4-kulan sidoo kalena 3-kulan bar baro ayay galeen.

Bishii November 2018 Real ayaa 4-2 guusha kaga qaadatay Celta Vigo sidoo kalena xili cayaareedkii hore marka ay Bernabue ku cayaareen Real ayaa 6-0 guusha ku qaadatay.

Celta Vigo guushii ugu dambeesay oo ay Bernabue kusoo heshay La Liga waxay ahayd November 2006 ayagoo markaas 2-1 ku badiyeen.

Real Madrid waxay 12-dhibcood ka hooseeyaan Barcelona oo hogaanka heyso halka ay 5-dhibcood ka hooseeyaan Atletico Madrid oo booska 2-aad ku jirto.

Celta Vig jawi wanaagsan kuma jiraan madaama hal guul kaliya gaareen 12-kulan ugu dambeesay La Liga waxayna ku jiraan kaalina 18-aad.

Sadaasha Kulankan: Real Madrid 3-0 Cetla Vigo (WhoScorred)

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan