Uly Hoeness madaxa kooxda Bayern Munich oo si caro leh u sheegay hadii UK ka go’do midowga yurub uusan kooxaha Liverpool iyo Manchester ku arki Karin tartanka UCL.

0
231

Uly Hoeness madaxa kooxda Bayern Munich ayaa si caro leh u sheegay hadii UK ka go’do midowga yurub uusan kooxaha Liverpool iyo Manchester ku arki Karin tartanka Uefa Champions League.

Hoeness oo aad u careysan ayaa yiri; “Hadii midaasi dhacdo oo UK goosashada ay sheegee goosato sanadka dambe ma doonayo inaan kusii arko kaaxahaan Liverpool iyo Manchester tartanka Horyaalada yurub”.

Kadib wariyaha ayaa u sharaxay madaxa kooxda Bayern Munich in xiriirka UEFA nadaam ahaan uusan wax xiriir ah la laheyn midowga Yurub.

Hase yeeshee Uly Hoeness madaxa kooxda Bayern oo aad u careysan ayaa ugu jawaabay; “Iga dhaaf hadalkaan badan, adiga horay maku hogaamisay koox sida Bayern Munich ah oo ma gaarsiiyay heerka ugu sareeyay? Maya soo ma ahan marka waa inaad aamustaa , shirkaan jaraaidna halkaan ayuu ku dhamaaday”.

Uly Hoeness ayay u muuqataa inuu aad uga careysanyahay goosashada ay ku dhawaaqeen UK iney ka goosan doonaan midowga yurub.

Waxaa xusid mudan in Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa tareenka UCL katuurtay kooxda Bayern Munich waliba iyagoo gurigooda ku cayaarayay kadib markii 1-3 uga soo badiyeen.

Dhanka kale hadii UK ka go’do midowga yurub sida wariyaha sheegay wax saameyn kuma yeelaneyso tartamada yurub.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan