Muxuu macalin Pep ka yiri isku aadka wareega 8aad ee UCL iyo iney la cayaari doonaan kooxda Tottenham.

0
221

Duhurnimadii maanta waxaa lasoo saaray isku aadka wareega sideedaad ee tartanka Horyaalada yurub kaasoo ahaa mid xiiso leh waxaana kasoo baxay kulamo waaweyn oo uu kamid yahay kulanka Manchester City la cayaari doonto kooxda Tottenham.

Hadaba macalinka kooxda kubadda cagta ee Mancheser City ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan kulankaas asigoona sheegay inuu yahay kulan adag isla markaasina labada kooxba heystaan fursad isku mid ah.

Macalin Pep ayaa yiri; “waxaan naadiga Tottenham u heynaa xushmad badan fursada labada koox kusoo bixi karaana waa 50%/50%”.

Pep oo hadalkiisa sii wato ayaay yiri; “Waan is naqaanaa iyaga , waan isku dayi doonaa inaan labada cayaar sifiican u cayaarno, aniga shakhsi ahaan waan ogahay sida Tottenham u dhib badantahay”.

Tottenham ayaa 9ka bisha April soo dhaweyn doonto kooxda Manchester City kulanka koowaad ee UCL iyadoo lugta labaadna 17da bisha ku cayaari doonaan garoonka Ettihad.

Cayaarta Spurs v City ayay dadka intooda badan qabaan inuu yahay kulanka ugu adage e wareega 8aad kadib kulanka Manchester United v Barcelona.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan