Muxuu macalin Klopp ka yiri in isku aad sahlan heleyn isla markaasna Porto ku aadeen?

0
239

 

 

Macalinka kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka hadlay sida uu u arko in wareega 8aad ee tartanka Horyaalada yurub la cayaari doonaan kooxda FC Porto.

Klopp ayaa yiri; “Maxaan ka dhihi karaa? Iyagu waa Porto horayna waan ula cayaarnay, waana ognahay sida nalaga rabo inaan ahaano, sanadkii hore waayo natiijada waxay aheyd mid layaab leh, waxayna aheyd mid anaga noo roon, hase yeeshee layaab ayay laheyd, lugtii labaad waxaan aragnay shakhsiyada Port iyo awoodooda”

Klopp oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “Ma ahan inaan ka fogaado ka fikirka cayaartaas anigoo isleh waa kulan sahlan waayo ma ahan mid sahlan, waa uun qori tuur iyaguna waa kooxda nalooga baahanyahay inaan isku diyaarino waana taas waxa aan ka fikiri doono markii uu bilowdo u diyaar garowga cayaarta”.

Liverpool ayaa sanadkii hore celcelis 9-0 kaga badisay kooxda FC Porto waxayna dadka intooda badan qabaan in isku aadkii ugu sahlanaa ay heshay kooxda Liverpool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan