Nabil Fekir oo ka goolal badan dhamaan cayaartooyda Liverpool khadka dhexe kaga cayaaraan:

0
199

 

Kubad sameeyaha kooxda Lyon iyo xulka France Nabil Fekir ayaa waqti wacan la qaadanayo kooxdiisa xili xagaagii hore niyad jab weyn uu la kulmay madaama Liverpool ay iibsan rabtay tijaabo caafimaadna ka qaaday balse tayadiisa caafimaad qab awgeed laga shakiyay heshiiskiisa u bur buray.

Macalin Jurgen Klopp kooxdiisa inay kubad sameeye u baahan tahay shaki kuma jiro xili cayaareedkan sidoo kalena cayaartooydiisa khadka dhexe kuma jiro mid gool dhaliye ah si uu sedexleyda weerarka u caawiyo markii ay dhacday in kulamada qaar goolal dhalin waayaan.

Haddaba Fekir wuxuu ka goolal badan yahay xidig walbo oo Liverpool khadka dhexe kaga cayaaro wax qabadka xili cayaareedkan dhamaan tartamada kala duwan sida aad hoos kaga bogan kartid:

Nabil Fekir (12 gool)

Xherdan Shaqiri (6 gool)

Gini Wijnaldum (2 gool)

Fabinho (1 gool)

Jordan Henderson (0 gool)

Adam Lallana (0 gool)

Naby Keita (0 gool)

Hadii Fekir Liverpool heesan lahyed xili cayaareedkan bal ka warama?

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan