Lyon oo noqotay naadigii ugu horeeyay ee Faransiis ah oo 200-gool Champions League ka dhaliso

0
166

Koxoda Lyon waxay guuldaro 5-1 kala kulmeen naadiga Barcelona Champion-ka lugtiisa labaad wareega 16-aad sidoo kalena gabi ahaanba tartankan wey isaga hareen ayagoo awood ahaan la tusay inaysan Barca la tartami karin.

Balse cayaaryahan Lucas Tousart goolkii uu xalay Lyon u dhaliyay micno weyn ayuu u leeyahay sidoo kalena cayaaryahan Lucas Tousart goolkiisa kowaad uu tartankan ka dhaliyo ayuu ahaa asigoo 8-kulan cayaaray.

Lyon haatan si rasmi ah waxay u noqotay kooxda ugu goolasha badan ee Faransiis ah tartanka Champions League ayadoo 200-gool tartankan ka dhalisay.

Fadlan hoos kaga bogo kooxaha Faransiiska goolasha ugu badan Champions League ka dhaliyeen:

Lyon – 200 gool

Paris – 195 gool

Marseille – 147 gool

Monaco – 144 gool

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan