Liverpool oo Bayern ku xasuuqday gurigeeda iskana xaadirisay wareega 8aad ee UCL iyo Barcelona oo cashar u dhigtay Lyon.

0
113

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ugu dambeyn kulan Awat ah guul soo gaartay waliba guushaas oo ka saaciday iney ku tiigsadaan wareega 8aad ee tartanka Horyaalada yurub sanadkii labaad oo xiriir ah iyagoo sanadkii hore Finalka gaaray.

Liverpool ayaa marti u noqotay kooxda Bayern Munich iyadoo la ogyahay in kulankii Anfield kusoo dhamaaday bar baro goolal la’aan ah sidaas owgeed Liverpool ayaa u baahneyd kaliya barbaro goolal ah si ay u tiigsato wareega xiga.

Cayaarta ayaa ku bilaabatay kubad heysasho ay Bayern sameysay hase yeeshee weerarka ugu badan waxaa qaaday Liverpool iyagoona markasta laga filan karay goolka furitaanka.

Ugu dambeyn Liverpool ayaa goolkii laga filayay dhalisay kadib kubad qurux badan oo uu Sadio Mane dabo mariyay goolhaye Neuer asigoona cayaarta ka dhigay 0-1.

Dhmaadkii qeybtii hore ayay Bayern lka imaaday goolka barbaraha kadib markuu daafaca Liverpool kubad Own Goal iska dhaliyay asigoo cayaarta ka dhigay 1-1.

Sidaas ayaana qeybtii hore lagu kala nastay balse markii qeybtii labaad la isku soo laabtay ayay Liverpool lasoo baxday dardar cajiib ah iyo kubadd weerar ah iyagoona ugu dambeyn markale ka miro dhaliyay weerarkooda kadib markii uu daafaca Liverpool Virgil van Dijk gool madax ah dhaliyay.

Dhamaadkii cayaarta ayuu Sadio Mane goolkiisii labaad oo madax ahaa dhaliyay asigoo caawin ka helay saaxiibkiisa Mohamed Salah wuxuuna cayaarta ka dhigay 1-3.

Ugu dambeyn cayaarta ayaa natiijadaas ku dhamaatay iyadoo Liverpool iska xaadirisay wareega 8aad ee tartanka UCL.

Dhanka kale Kooxda Barcelona ayaa ayaa xasuuq 5-1 u geysatay kooxda reer France ee Lyon kadib goolal ay kala dhaliyeen Messi oo labo gool dhaliyay iyo goolal ay kala raacsadeen Coutinho Pique iyo Dembele.

Liverpool iyo Bayern ayaa sidaas isaga xaadiriyay wareega 8aad ee tartanka waxayna ku biireen kooxaha Juventus , Man City, Tottenham, Manutd, Ajax iyo FC Port.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan