BIG NEWS;Mbappe oo muujiyay inuu Real ku biiri karo iyo kooxda Real Madrid oo dhagta u taagantahay. Maxaa soo kordhay??

0
268

Laacibka kooxda kubadda cagta PSG iyo qaranka France wiilka kusoo guuleystay koobka aduunka ee Klyian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu muujiyay in kooxda aadka u doon dooneyso ee Real Madrid ku biiri karo.

Mbappe oo Real Madrid aad loola xiriirinaayay xili wararka sheegaayo inuu sanadkaan ku biiri doono kor usii kaceen kadib soo laabashadii macalin Zidane ayaa haatan la sheegayaa inuusan meesha ka saarin ku biirista kooxda Real Madrid mustaqbalka dhaw.

Mbappe oo la hadlaayay mid kamid ah wargeysyada France kasoo baxo ayaa yiri mar laweydiiyay haduu Real ku biiri doono; “Inaan ku biro Real Madrid?? aniga haatan waxaan ahay 19 jir mase ogi waxay sameyn doonaan markey da’deyda gaarto 23 sano”.

Wargeyska ayaa intaas kusii daray in mid kamid ah dadka aadka ugu dhaw laacibkaan uu u sheegay in Klyian Mbappe uu naftiisa u arko laacib katirsan kooxda Real Madrid asigoona sugayo fursada ugu munaasabsan ee uu ugu wareegi karo.

Real Madrid ayaa kadib bixitaankii Ronaldo wali lka dhibtooneyso badalkiisa waxaana wiilkaan reer France loo arkaa badalka ugu haboon ee Ronaldo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan