Wax ka ogaaw 8-naadi Europa League maanta loo qori tuurayo koox walbo guulaha ay tartankan ka gaartay

0
169

 

Waxaa si rasmi ah xalay loo soo idleeyay tartanka Europa League wareegiisa 16-aad ayadoo haatan 8-naadi usoo gudbeen wareega 8-aad oo maanta la qori tuuri doono.

Arsenal iyo Frankfurt ayaa wareega 8-aad iska xaadiriyeen halka labada koox ee caanka ah wadar ahaana 8-jeer tartankan ku guuleesteen koobka laga reebay waa Sevilla iyo Inter Milan.

Haddaba hoos kaga bogo natiijooyinkii xalay Europa League wareegiisa 16-aad lugta labaad iyo kooxaha usoo gudbeen wareega 8-aad:

Arsenal 3-0 Rennes ( isku darka labada lug 4-3)

Benfica 3-0 Dinamo Zagreb (isku darka labada lug 3-1)

Dynamo Kyiv 0-5 Chelsea (isku darka labada lug 0-8)

Internazionale 0-1 Frankfurt (isku darka labada lug 0-1)

Krasnodar 1-1 Valencia (isku darka labada lug 2-3)

Salzburg 3-1 Napoli (isku darka labada lug 3-4)

Slavia Praha 4-3 Sevilla (isku darka labada lug 6-5)

Villarreal 2-1 Zenit (isku darka labada lug 5-2)

Kooxaha Wareega 8-aad Usoo Gudbeen Ayadoo Maanta 3:00 pm Xiliga Geeska Afrika La Sameenayo:

Arsenal (ENG): 2000 ayaa koobka laga qaaday

Benfica (POR): 1983, 2013, 2014 ayay Semi Final soo gaareen.

Chelsea (ENG): 2013 ayay koobkan ku guuleesteen

Frankfurt (GER): 1980 ayay koobkan ku guuleesteen

Napoli (ITA): 1989 ayay koobkan ku guuleesteen

Slavia Praha (CZE): 1995/96 ayay Semi Final soo gaareen

Valencia (ESP): 2004 ayay koobkan ku guuleesteen

Villarreal (ESP): 2004, 2011, 2016 ayay Semi Final soo gaareen

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan