Waayihii dahabiga ahaa ee kooxaha EPL hogaanka u heyn jireen tartamada yurub iyo warbixin ku saabsan.

0
169

Mudadii u dhaxeysay 2005-2012dii kooxaha horyaalka Premier League waxay ku jireen waqti aanan la rumeysan Karin iyagoo qaatay waqti aad u wacan waxayna mudadaas Finalka UCL tageen 7 jeer iyagoo 3 kamid ahna ku guuleystay.

Aan ku bilowno Mucjisadii ka dhacday Stanbull 2004-2005tii kadib markii kooxda Liverpool kasoo laabatay 3-0 oo cayaarta looga qeybtay qeybtii hore Finalka UCL.

Kooxaha EPL ayaa sanadkaas isku arkay sami finalka tartanka UCL iyadoo Liverpool u gudubtay Finalka waxayna koobka ka qaadeen kooxda AC Milan.

Sanadkii xigay 2005-2006 EPL waxaa Finalka u tagay misna matalayay kooxda Arsenal, inkastoo ay Finalkii guuldaro 2-1 kasoo gaartay kooxda Barcelona hadana waxaa curyaamiyay kaarkii casaa ee xili hore loo taagay gaalhaye J.Lehamn.

Sanadkii xigay 2006-2007 kooxaha EPL waxaa Sami Finalka soo gaaray sadax kamid ah kuwaasoo kala ahaa Liverpool Manchester United iyo Chelsea iyadoo kooxaha Liverpool iyo Chelsea qoorta la isku galiyay markale iyo Sami Final waxaana markale Finalka gaartay kooxda Liverpool.

Dhanka kale AC Milan ayaa cel celis 5-3 kaga talaabsatay kooxda United iyagoona Finalka balan ka sameystay kooxda Liverpool waxaana koobka toogtaan gacanta ku dhigtay Milan.

Sanadkii xigay 2007-2008dii wuxuu ahaa sanadkii ugu fiicnaa kooxaha Horyaalka EPL kadib markii labo koox isla imaadeen Finalka UCL Manchester United iyo Che;sea waxaana rigoore koobka ku hanatay kooxda Manchester United.

Sanadkii xigay 2008-2009kii markalke ayay hadana sadax kooxood Sami inalka isla imaadeen Arsenal Chelsea iyo Manchester United waxaase finalka ka tagtay kaliya Manchester United oo 2-0 kala kulantay kooxda Barcelona taasoo sami finalka tartanka soo reebtay Chelsea.

Sanadkii xiga 2009-2010ka kooxaha EPL hoos u dhac ayay sameeyeen kadib markey ku hareen wareega 8aad iyadoo kooxda Bayern ay tartanka ka reebtay Manchester United.

Sanadkii xigay 2010-2011da kor ayay usoo kaceen iyagoo gaaray Finalka kadib markii Manchester United finalka la cayaartay Barcelona waxaase xusid mudan in wareega 8aad dhexdooda la isku jibiyay kadib markey isku dhaceen kooxaha Chelsea iyo Manchester waxaana gudubtay United oo Finalka guuldaro 3-1 kala kulantay Barcelona.

Sanadkii xigay 2011-2012da EPL ayaa markae ku guuleysteen tartanka UCL kadib markey Finalka koobkaan isugu imaadeen kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich waxaana koobka rigoore ku qaaday kooxda Chelsea.

2012dii wixii ka dambeeyay awooda kooxaha EPL ee tartamada yurub ayaa gabi ahaanba hoos u dhacday anagoo soo qaadan doono maqaal arintaas ku saabsan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan