Waayihii dahabiga ahaa 2005-2012dii kadib EPL oo qaatay waayihiisii ugu xumaa iyo sidey wax u dhaceen (warbixin).

1
219

Waxaan warbixintaan midi ka horeysay kusoo qaadanay waayihii dahabiga ahaa ee EPL galeen mudadii u dhaxeysay 2005-2012dii iyagoo mudadaas 8da sano ah 7kamid ah Finalka gaareen 3 UCL na ay hanteen.

Hadaba kadib 2012dii siduu xaalka noqday?

2013dii waxay Premier League u aheyd mid aad u xun waayo majirin koox EPL ka socotay oo xitaa soo gaartay wareega 8aad.

Sanadkii xiga 2013-2014tii si lamid ah sanadkii ka horeeyay kooxaha EPL oo dhan ayaa tartanka macsalaameeyay wareega 16aad mana jirin koox xitaa soo tiigsatay wareega 8aad waxayna labadaas sano ahaayeen kuwii ugu xumaa waayaha EPL.

Sanadkii xigay 2015-2016dii kooxda Manchester City ayaa gaartay sami Finalka UCL hase yeeshee waxay ku baxeen gacmaha kooxda Real Madrid oo ku jirtay waqtigeedii ugu fiicnaa.

Sanadkii xigay 2016-2017da EPL waxay soo gaareen wareega 8aad waxaana mataleysay kooxda Leicester City oo sanadkii ka horeeyay si lama filaan ah ku qaaday Horyaalka EPL balse iyadana waxay ku hartay wareega 8aad waxaana soo reebtay kooxda Atlatico Madrid.

Sanadkii xigay 2017-2018dii EPL kor ayay usoo kaceen kadib markii kooxaha Manchester City iyo Liverpool isla imaadeen wareega 8aad waxaana isku dhacay oo qoorta la isku galiyay labadooda.

Liverpool ayaa wareega afar dhamaadka u gudubtay ugana sii gudubtay Finalka kahor inteysan 3-1 kaga badin kooxda Real Madrid oo markale burburisay rajadii kooxaha EPL.

Haatan jawiga sidii hore wuu ka duwanyahay waayo wareega 8aad waxaa fadhiyaan 4 kooxood oo awood leh kuuwaaso hadii aysan isku dhicin gaari karaan wareega afar dhamaadka.

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan