Sidee ku dhacday in Manchester United ku cayaarto Old Trafford lugta hore iyadoo waliba qori tuurka sheegay iney Away ku cayaari doonto?

0
253

 

Waxaa maanta lasoo saaray isku aadka wareega 8aad ilaa iyo Finalka Tartanka UCL waxaana kasoo baxay kulamo adag oo ay kamid yihiin sida United V Barce iyo Spurs v City.

Hadaba Dadka qaar ayaa is weydiinaya maxaa loo badalay Lugta koowad in laga dhigo Camp madama isku aadka markii la sameenayey magaca Barca oo soo horeeyey sharci ahaana kooxdii oo magaceeda soo hormaro lagu hormaro gurigeeda taasoo United faa’iido u noqon laheyd hadii lugta dambe Old Trafford lagu dheeli lahaa.

 

Sababta sidaas u dhacday ayaa ah in City lugteeda labaad ay Etihad ku dheeleyso taaso keentay in kulankii Old Trafford ee United iyo Barca lasoo hormariyo waxaana loo sababeyey in magalada Hal habeen 2 kulan lagu ciyaari karin sababo amni.

 

Waxaa loo faa’iideyey City waxeeyna faa’iidada ku heshay UEFA Rank ahaan ineey ka sareeyso ¬†United ayna sanadkii hore ku dhameesatay horyaalka kaaalin ka sareeysa United.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan