PSG oo ciqaabi doonto xidigeeda Adrien Rabiot iyo sababta ka dambeyso oo layaab leh.

0
242

 

 

Kooxda kubadda cagta ee PSG ayaa cayaaraha ka joojin doonto xidiga falaagada ku noqday ee Adrien Rabiot kadib markii uu ku kacay fal kooxdaas iyo jamaahiirteedaba ka careysiiyay.

Adrien Rabiot oo iska diiday inuu wax heshiis kordhin u sameeyo PSG isla markaasna uu qandaraaskiisa dhacay dhamaadka sanadkaan ayaan ku faraxsaneen qaabka ay ula dhaqantay kooxda PSG asigoona farxad ka muujiyay guuldaradii kooxdiisa kasoo gaartay kooxda Manchester United tartanka UCL.

Rabiot ayaa Like saaray muuqaalkii dabaal daga waalida ahaa ee uu sameeyay halyeyga kooxda Manchester United Patrice Evra kadib goolkii rigoorada ahaa ee uu dhaliyay Marcos Rahsford taasoo United u sahashay in wareega xiga u gudbaan.

Sida ay wargeysyada France qorayaan PSG ayaa go’aansatay in inta ka dhiman xili cayaareedkaan uusan u cayaarin Rabiot kooxda wax kulan ah.

Arintaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo xidigaan uu wixii bisha Juun ka dambeeyo xor noqon doono waxaana isha ku hayo misna xiiseynayo kooxo ay kamid yihiin Tottenham, Liverpool iyo Barcelona.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan