Muxuu Unai Emery ka yiri soo laabashadii cajiibka aheyd ee Arsenal xalay sameysay?

0
150

Macalinka kooxda kubadda cagta Arsenal Unai Emery ayaa ka hadlay guushii cajiibka aheyd ee Arsenal xalay ka gaartay kooxda Rennes taasoo ka dhisan Horyaalka League1 ee France.

Arsenal oo lugtii hore lagu soo maray 3-1 ayaa u baahneyd 2-0 si ay tartanka baaqi ugu sii ahaadaan taasoo ay ugu dambeyn ku guuleysteen kadib markey 3-0 ku badiyeen xalay.

Unai ayaa yiri; “waa inaan ku faanaa waxaan qabanay, wuxuu ahaa isbuuc dhib badan maadaama aan axadii la cayaarnay Manchester United maantana kooxda Rennes, waxaan u cayaarnay qaab heer sare anagoo waliba si adag u difaactanay”

Unai Emery ayaa sidoo kale ka hadlay rajada ay ka qabaan iney ku guuleystaan tartankaa asigoo sheegay in kooxaha qeybta ka ah la dhayalsan Karin oo mid kasta xoogantahay isla markaasna koobka sidii hore aheyn balse waxbadan uu hormaray.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan