Mourinho oo sheegay inuusan marnaba ka murugeysneyn guushii Juventus asigoo sidoo kalana ku faanay inuu yahay macalinka kaliya ee sanadkaan Gurigooga kaga soo badiyay.

0
163

Macalinkii hore ee kooxda Inter Milan haatana shaqo la’aanta ah kadib markii dhamaadkii sanadkii hore shaqada macalinimo ka ceyrisay kooxda Manchester United ayaa ka hadlay sida uu yahay dareenkiisa kadib guushii taariikhiga aheyd ee ay Juventus ka gaartay Atlatico Madrid.

Mourinho oo horyaalka Italy ka taageero kooxdii uu horey macalinka ugu soo ahaa ee Inter Milan ayaa sheegay inuusan marnaba ka careysneyn guushii ay Juventus ka gaartay Atlatco Madrid.

Asigoo u waramayay kanaalka RT oo uu falanqeeye ka yahay ayuu yiri; “Aan arinta kuu sheego, kama murugeysni guusha Juventus, dhamaadkii qofka kaliya ee awood u yeeshay inuu kaga badiyo magaalada Torino waa aniga”.

Mourinho ayaa xiligii uu macalinka u ahaa kooxda Manchester United waxay Juventus isku arkeen wareega Groupyada asigoona 1-2 kaga badiyay kulankii ay kuwada cayaareen garoonka Juventus wuxuuna sidaas ku noqday macalinka kaliya ee ilaa iyo haatan gurigooda kaga badiyay kooxda Juventus xili cayaareedkaan dhamaadka ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan