Lukaku oo dhaawac ku seegi doono kulanka adag ee Wolves iyo xiliga uu soo laaban doono.

0
140

Weeraryahanka kooxda Manchester United iyo qaranka Belgiumka Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac kasoo gaaray kulankii kooxdiisa la cayaartay kooxda PSG kulankaas oo qeyb ka ahaa tartanka UCL.

Sida warbixinada qorayaan Lukaku ayaa dhaawac kasoo gaaray cagta wuxuuna dhameystay kulankaas asigoo dhaawac ah.

Sida uu qorayo wargeyska The Sun Lukaku ayaa daaweyn lagu sameeyay kahor kulankii Arsenal hase yeeshee xaalada dhaawac ee xidigaan ayaa sii xumaatay waxaana haatan lagu soo waramayaa inuu seegi doono kulanka adag ee kooxdiisa maalinta bari la cayaari doonto kooxda Wolves tartan ka tirsan FA Cup wareegiisa 8aad.

Lukaku ayaa sidoo kale seegi doono kulamada xulkiisa cayaari doono isreebreebka tartanka qaramada yurub waxaana lagu wadaa inuu soo laabta kadib fasaxyada qaramada markii laga soo laabto.

Tan ayaa waxay ka dhigantahay in macalinka Kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjear uu markale soo dalacsiin doono weeraryahanka 17jirka ah Greenwood kaasoo lagu wado inuu buuxiyo booska Lukaku.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan