DAG-DAG; Barcelona v Manchester United, Tottenham v Man City iyo Isku aadka Uefa Champions League oo lasoo saaray. 

0
174

Waxaa daqiiqad kahor lasoo saaray isku aadka koobka ugu xiisaha iyo xamaasada badan qaarada yuru ee UEFA CHAMPIONS LEAGUE wareegiisa 8aad.

Waxaa xusid mudan in sanadkaan markii ugu horeysay uu ay wareega 8aad isla imaadeen 4 koox ee EPL ka socoto tan iyo 2009kii.

Kooxahaha Liverpool, Barcelona, Juventus, Manchester United, Tottenham, FC Porto, Ajax iyo Manchester City ayaa isugu yimid sanadkaan wareega 8aad iyadoo koox kasta ay ku aadi kartay kooxaha kale.

Manchester United ayaa ku dhacday kooxda Barcelona waana kulanka ugu weyn uguna xamaasada badan UCL sidoo kale Manchester City ayaa ku dhacday Tottenham waana labada kulan ee ugu xamaasada badan.

Isku aadka oo ka dhacay magaalada Nyon ee wadanka Swezerland ayaa sidaan u dhacay;

Ajax    v    Juventus.

Liverpool        v        FC Porto.

Tottenham      v         Manchester City.

Barcelona      v       Manchester United.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan