Awooda kooxaha English Premier League dib miyey usoo laabatay? akhriso maqaal ku saabsan.

0
178

Horyaalka England ee loo yaqaano Premier League waa Horyaalka ugu xamaasada badan aduunka hase yeeshee kooxaha ka cayaara wax saameyn kuma laheyn tartamada yurub mudooyinkaan dambe.

Kooxdii ugu dambeysay ee ku guuleysata tartan yurub waxay aheyd Manchester United oo sanadkii 2017dii ku guuleysatay tartanka Uefa Eurpo League halka kooxdii ugu dambeysay ee ku guuleysatay tartanka Uefa Chambions League ay aheyd kooxda kubadda cagta Chelsea kadib markey si mucjiso ah ku qaaday Championkii 2012da.

Tobankii sano ee ugu dambeysay waxaa xoog ku heystay qaarada yurub kooxaha ka cayaaro Horyaalka Spain iyagoo mudadaas 10ka sano ah ku guuleystay 7 cup oo Uefa Champions League.

Sanadihii u dhaxeeyay 2009ka ilaa iyo 2015ta waxay qaarada yurub u shidneyd kooxda Barcelona oo Horyaalka Spain kasoo jeedo taasoo mudadaas ku guuleysatay 3 UCL iyadoo waliba sanad dhaaf u qaadeysay koobkaas mudo 6 sano ah.

Kadib waxaa awooda yurub gacanta ku dhigtay kooxda Real Madrid oo mudo 5 sano ah ku hanatay 4 UCL kuwaasoo sadax kamid ah ay ahaayeen xiriir.

Maanta waxaa magaalada Nyon ee wadanka Swezerland ka dhici doono qori tuurka isku aadka UCL iyo UEL waxaana wareega sided dhamaadka fadhiyo 6 koox oo ka dhisan Horyaalka Premier League.

Markii ugu dambeysay ee kooxaha Premier League lix koox qeyb ka ahaadaan tartamada yurub waxay aheyd 1971dii sidoo kale markii ugu dmabeysay ay 4 koox oo EPL qeyb ka ahaadaan tartanka UCL wareegiisa 8aad waxay aheyd 2009kii iyagoo sadax kamid ah u gudbeen wareega 4 dhamaadka waxaana u sabab ahaa in labo koox kamid ah isku aadeen.

10 sano kadib waxaa wareega 8aad maanta fadhiyo 4 kooxood oo EPL, waxaana xusid mudan in kooxahaas 3 kamid ay soo reebeen 3 koox oo Germany ah natiijo celcelis ahaan 17-3 waana awood muuqato maadaama 6dii kulan ay cayaareen 5kamid ah kooxaha EPL badiyeen halka kulanka soo harayna uu ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah.

Germany awood ahaan waxay ahaayeen dalka Spain kusoo xiga markii loo fiiriyo sidey qeyb uga ahaayeen tartamada yurub iyagoo ugu yaraan sanadkasta gaarayay Sami Finalka UCL lkn in 3dii koox ee iska soo xaadirisay wareega 16aad ay ku baxaan gacmaha kooxaha EPL waliba farqi 17-3 waa awood aan caadi aheyn taasoo muujineyso sida kooxaha EPL sanadkaan yurub u qabsan doonaan.

Kadib markii kooxda inta badan loo saadaalin jiray tartankaan mudooyinkii u dambeeyay ku baxday gacmaha kooxda Ajax waxkasta dhinac kale ayay isku rogeen iyadoo sanadkaan koox kasta ku taameyso ku guuleysiga UCL waxaana dhaceen waxyaabo cajiib ah iyo natiijooyin lama filaan ah sida casharadii ay dhigeen kooxaha Manchester United, Ajax iyo Juventus.

Sanadkii hore kooxda Liverpool waxay tagtay Finalka tartanka UCL markii ugu horeysay tan iyo 2007dii iyadoo lasoo baxday dardar aan caadi aheyn.

Awooda Liverpool ku muujisay tartanka UCL ma aheyn mid lasii filaayay markii loo fiiriyo kaalinta ay kaga jirtay horyaalka EPL hase yeeshee awooda ay kusoo bandhigtay Championka caadi ma aheyn taasoo usuurto galisay iney gaarto ilaa iyo finalka inkastoo looga badiyay 3-1 hadana waxqabad aan caadi aheyn ayay muujiyeen.

Bilowgii tartanka ma jirin qof is dhahaayay Final ayay gaari doonaan laakiin waxay ku gaareen si awood ku dheehan iyagoo waliba dardaray koox kasta oo ay wajaheen kahor Finalka.

Haatan 8da koox ee fadhisa wareega sided dhamaadka 4 kamid ah waa kooxaha horyaalka Premier League waxayna u badantahay in ugu yaraan labo kamid ah isku dhici doonaan hadii aysan mucjiso dhicin oo si lama filaan u kala badbaadin.

Manchester City waa koox awood sare soo bandhigtay tan iyo siduu macalin ugu noqday Pep Guardiola inkastoo tartanka UCL awoodii larabay kusoo bandhigin hadana maanta waa mid kamid ah hadeysanba koowaad aheyn kooxaha ugu fiican qaarada yurub.

Liverpool sanadkaan waxay dhigeysaa wacdaro ka fiican midkii ay sanadkii hore dhigeen waxayna qeyb ka yihiin tartanka Horyaalka ayagoo kaliya farqi 1 dhibic laga sareeyo halka UCL si awood ku dheehantahay uga soo talaabsadeen kooxda Bayern Munich waliba iyagoo ku garaacay gurigooda, sidaas owgeed Liverpool waxay awoodaa in kooxkasta oo kusoo beegmato tartankaan cagta mariyaan marba hadey Bayern gurigeeda kusoo dileen.

Manchester United inkastoo aysan sanad fiican qaadanin kadib markii macalinkii hayay shaqada kooxdaas uu ku fashilmay waxay sameeyeen isbadal muuqda tan iyo markey ceyriyeen Jose Mourinho, waxaan dhamaanteen wada ogeyn markii la isku beegay kooxaha PSG iyo Manchester United tartanka UCL in dhamaan lawada aaminay iney PSG si fudud kusoo bixi doonto markii la fiiriyo xaalada labada koox ku jireen hase yeeshee mucjiso ka dhacday magaalada Paris ayaa sababtay in United usoo talaabto wareega 8aad kadib markii waxaan macquul aheyn ay macquul ka dhigeen.

Tottenham waxay waayadan dhan qeyb ka aheyd tartanka Horyaalka iyagoo sidoo kale UCL group adag kasoo baxay waxayna wareega 16aad soo dileen kooxda sanadkaan xaalada fiican ku jirtay ee BVB Dortumund iyagoo waliba kusoo baxay farqi 4-0 sidaas owgeed awooda Tottenham waa mid muuqato waxayna garaaci karaan koox kasta.

Isku soo wada duub kooxaha Juventus iyo Barcelona waa labada koox ee caqabada ku noqon kara kooxaha EPL sanadkaan waxaana xusid mudan in labada kooxba ay ku hubeysanyihiin cayaartooy heer caalami ah oo ay kala hogaaminayaan Messi iyo Ronaldo waana farqi ay kooxaha kale dheeryihiin.

Juventus iyo Barcelona waxay awoodaan in koox kasta oo kahor imaado cagta mariyaan waxaana iyadana meesha laga saari Karin awooda kooxaha Ajax iyo FC Porto siiba kooxda AJAX oo tartanka kasoo ciribtirtay kooxda Real Madrid mana ahan kuwa la dhayalsan karo.

Dhanka kale kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa iyagana fadhiya wareega sided dhamaadka ee tartanka Europa League waxayna kamid yihiin kooxaha ugu cadcad ku guuleysiga koobkaan.

Hadaba akhristow adiga makula tahay in kooxaha EPL sanadkaan awood ku qabsan doonaan tartamada yurub?

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan