Aubameyang oo sharaxaad ka bixiyay maasgaradii shabeelka aheyd ee uu xalay xirtay asigoo u dabaal dagayay gool uu dhaliyay.

0
192

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Arsenal iyo qaranka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sharaxaad ka bixiyay dabaal dagii uu sameeyay xalay kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Rennes ee wadanka France.

Aubameyang ayaa madaxa gashaty maskar uu ku sawiranyahay Shabeel madow kaasoo noqday dabaal dag hadal heyn abuuray hase yeeshee xidigaan ayaa sharaxaad ka bixiyay iyo waxa uu u taaganyahay shabeelkaas.

Aubameyang ayaa yiri; “Waxaan xirtay Maskar I matalaayo waana shabeelka madow, sidoo kale markaan joogno wadankreena Gabon waxaan ugu yeernaa Shabeelkii Gabon, sidaas owgeed maskarkaan aniga ayuu I matalaa waa intaas uun”

Waxaa xusid mudan in Arsenal xalay guul cajiib ah soo laabasho weyn ka gaartay kooxda Rennes kulanaasoo katirsanaa lugta labaad ee wareega 16aad tartanka Eurpo League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan