8-naadi Champion-ka maanta loo qori tuurayo iyo koox walbo taariikhda ay tartankan ku leedahay

0
163

 

Koobka horyaalada Yurub wareegiisa 8-aad ayaa maanta 2:00 pm duhurnimo xiliga geeska Afrika lagu sameyn doonaa magaalada Nyon, Switzerland ee xarunta UEFA ku taalo waxaana halkaas oo xaadirayaan masuuliyaan ka socdaan kooxaha marxalada rubuc dhamaadka Champion-ka soo gaareen.

Si kooban hoos kaga bogo 8-naadi Champion-ka maanta loo qori tuurayo iyo koox walbo taariikhda ay tartankan ku leedahay:

Ajax (Holland):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 22-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: 4-jeer ayay ku guuleesteen (1971, 1972, 1973, 1995)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Dušan Tadić 6-gool

Barcelona (Spain):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 2-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: 5-jeer ayay ku guuleesteen (1992, 2006, 2009, 2011, 2015)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Lionel Messi 8-gool

Juventus (Italy):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 5-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: 2-jeer ayay ku guuleesteen (1985, 1996)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Paulo Dybala 5-gool

Liverpool (England):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 12-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: 5-jeer ayay ku guuleesteen (1977, 1978, 1981, 1984, 2005)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Sadio Mané, Mohamed Salah min 3-gool dhaliyeen.

Man City (England):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 6-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: Semi Final ayay gaareen (2016)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Sergio Agüero 5-gool.

Man United (England):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 16-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: 3-jeer ayay ku guuleesteen (1968, 1999, 2008)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Romelu Lukaku, Paul Pogba, Marcus Rashford min 2-gool.

FC Porto (Portugal):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 9-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: 2-jeer ayay ku guuleesteen (1987, 2004)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Moussa Marega 6-gool.

Tottenham (England):

Kala sareynta qiimeynta kooxaha Yurub (UEFA Ranking) waxay kaga jirtaa: 18-aad

Taariikhda ay ku leeyihiin koobkan: Semi Final ayay gaareen (1962)

Cayaaryahanka ugu goolasha badan xili cayaareedkan Champion-ka: Harry Kane 5-gool.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan