Ronaldo, Messi, Sane iyo Mane oo hogaaminayaan cayaartooyda u sharaxan laacibka Champion-ka todobaadkan ugu wanaagsan

1
179

 

UEFA Champions League wareega 16-aad lugta labaad kulamadii la cayaaray waxaa kasoo baxeen natiijooyin la yaab leh ayadoo Juve soo laabasho taariikhi ah ku sameesay Atletico, halka Man City iyo Barcelona ku bar barteen kooxaha Schalke iyo Lyon sidoo kalena Liverpool guul weyn waxay kusoo gaartay garoonka Bayern.

Haddaba sidii joogta ahayd waxaa lasoo bandhigay todobaad walbo kulamada Champion-ka la cayaaray iyo cayaartooyda u sharaxan laacibka abaal marinta todobaadlaha ah si loogu codeeyo.

Fadlan hoos kaga bogo afarta cayaaryahan u sharaxan laacibka todobaadkan Champion-ka ugu wanaagsan iyo xidig walbo wax qabadka lagu soo xushay:

Cristiano Ronaldo (Juventus): Hat Trick ama sedexleey goolal ah wuxuu ka dhaliyay Atletico Madrid weliba guul taariikhi ah ayuu Juve gaarsiiyay ayadoo Juve 3-0 guusha ku qaadatay.

Leroy Sane (Man City): 3-gool ayuu ku caawiyay kooxdiisii hore goolna wuu ka dhaliyay waxaa intaas u dheereed in 86% baaskiisa sax sanaa kulankii Man City 7-0 ku xasuuqday Schalke 04.

Lionel Messi (Barcelona): labo gool ayuu Lyon ka dhaliyay sidoo kalena labo gool ayuu ku caawiyay kulankii Barcelona 5-1 cagta ku marisay Lyon.

Sadio Mane (Liverpool): Labo gool ayuu Bayern ka dhaliyay sidoo kalena 70% baaskiisa wuu sax sanaa wuxuuna Reds ka caawiyay guul caan ah inay gudaha Jarmalka kaga soo helaan Bayern.

Aqriste Cayaaryahankee Mudan In Laacibka Todobaadkan Champions League Loo Doorto?

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan