Maxaad ugu Baahan tahay inaad ka ogaato isku aadka Quatra finalka champions league !?

0
229

 

Duhrunimada maalinta beri Saacada Marka ay tahay 14: 00 duhurnimo Xilliga Africada bari wadanka dhaca galbeedka qaarada Europe ee Switzerland xaruntiisa Hay’adda ugu saraysa kubadda cagta Europe ee Uefa magaaldiisa Nyon waxaa uu marti gelin doonaa mid ka mid maalmaha ugu waynaa dunida kubada cagta xilli isku aadka Uefa Champions League Quatra finalkiisa lagu wada balan san yahay.

Waxaana Loo qori tuuri doonaa 4-kooxood England ah oo markii ugu horeysay muddo 10-sano ka dib iska xaadiriyay Quatra finalka tartankan iyo Barca oo Spain ah Ajax oo Holland ah Porto oo Portugal ah iyo Juventus oo Italia ah koox kastaba Kooxda kale sharci ahaan way ku aadi doontaa Wixii nasiib ka ah ayaa kala badbadin kara Kooxaha aan is rabin.

Isku aadka Quatra finalkiisa iyo Sami final hal mar ayaa la sameen doonaan Sida Loo ciyaari doono halkaa kaga bogo:

Kooxaha Magaalada Manchester hadee kala badbaadaan hal Habeen kuma wada ciyaari doonaan Magaaladooda waxay kala ciyaari doonaan laba isbuuc kala duwan.

9-ka Bisha April iyo 10-ka Waxaa la kala ciyaari doonaa Lugta hore ee Quatra finalka.

Lama nasanayo isla todobaadka xiga waxaa la kala ciyaaro doonaa Quatra finalka Lugta labaad oo ah 16-ka iyo 17-ka Bisha April.

Kooxaha u Soo gudba Sami finalka Tartanka Laba isbuuuc nasasho ayay helayaan.

30-ka Bisha April iyo 1-da bisha May Waxaa la kala ciyaari doonaa lugta hore ee Sami finalka

Nasasho kale ma jirto isla todbaadka xiga 7-bisha May iyo 8-da Waxaa la kala ciyaari doonaa Lugta labaad ee Sami finalka.

Labada koox final u soo baxa waxay qaadan doonaan Sadex todobaad nasasho ah.

Finalka 1-da bisha June waxa lagu ciyaari doonaa wadanka Spain gaar ahaan Magaalada Madrid Giggada Stadio Wanda Metropolitano oo ku Ciyaarta Kooxda Atletico Madrid

Waa qalinkii Saaxiibka saxiibada Abdukadir Aduunyo

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan