Maanta oo kale kubada cagta maxaa ka dhacay: Messi oo goolkiisa 100-aad Champion-ka ka dhaliyay iyo dhacdooyin kale

0
201

 

Maanta oo kale (14 Maarso) waxyaabaha kubada cagta laga diiwaan galiyay ee taariikh ahaan dhaceen ayaan idiin heynaa kuna saabsan kooxaha iyo cayaartooyda caanka ah taariikhaha maanta oo kale laga diiwaan galiyay:

Maanta oo kale 14 Maarso 2018 Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisa 100-aad UEFA Champions League cayaar Barcelona 3-0 guusha kaga qaadatay Chelsea wareega 16-aad Champion-ka lugtiisa labaad weliba goolkiisa 99-aad iyo 100-aad ayuu Chelsea ka dhaliyay.

Maanta oo kale 14 Maarso 2009 Liverpool 4-1 Man United kulan Old Trafford ka dhacay oo EPL ka tirsanaa Reds ayaa guul weyn ka heshay. fadlan hoos ka daawo goos gooska kulankan caanka ah:

Maanta oo kale 14 Maarso 1979 Nicolas Anelka ayaa dhashay waana mid ka mid ah weeraryahanadii ugu caansanaa ee kubada cagta soo maray asigoo Faransiiskan kooxaha Yurub ugu caansan u cayaaray.

Maanta oo kale 14 Maarso 2004 Man City 4-1 Man United waxay ahayd markaas taariikh ahaan guuldaradii sedexaad uu tababare Sir Alex kala kulmay dariskiisa.

Maanta oo kale 14 Maarso 1974 Zaire ayaa ku guuleesteen markoodii labaad koobka qaramada Afrika waxayna 2-0 koobka kaga qaadeen Zambia ayagoo markii hore bar baro galeen 2-2 labo maalmood kadib marka la isku celiyay ay Zaire 2-0 koobka ku qaadeen.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan