Lionel Messi oo ka hadlay xasuuqii Barcelona u geesatay Lyon iyo bandhigiisii wacnaa

0
230

 

Lionel Messi ayaa labo gool dhaliyay sidoo kalena labo kale caawiyay kulankii Barcelona xasuuqday naadiga Lyon oo ay ku garaaceen 5-1 kuna xaqiijiyeen usoo bixitaanka wareega 8-aad ee Champion-ka.

Haddaba Messi ayaa shabakada UEFA webkeeda gaarka ah uga war bixiyay bandhigiisii wacnaa iyo guushii weyneed xalay Barca gaartay wuxuuna yiri “Waxaa muhiim inoo ahayd inaan wareega 8-aad u gudubno waxaana sameenay bandhig heer sare ah anagoo garab ka heleeney taageerayaasheena waxaana xusid mudan in Lyon koox adag tahay.”

“Waxaan ku faraxsanahay goolashii aan dhaliyay iyo sida guud qaabkii aan kooxdeyda u caawiyay cayaaryahan walbo oo naga mid ah wuxuu muujiyay inaan ka miro dhalino yoolkeena ah xili cayaareedkan Champion-ka qaadno.”

Messi waxaa si gaar ah loo weydiiyay in Barcelona xili cayaareedkan ahmiyada kowaad siineyso hanashada Champion-ka wuxuuna yiri “Barca waa koox weyn xili cayaareed walbo ujeedkeena wuxuu yahay inaan koob walbo qaadno haatana meel wanaagsan oo aan riyooyinkeena ku rumeen karno ayaan joognaa inkastoo kooxaha wareega 8-aad Champion-ka soo gaareen dhamaantooda yihiin kuwo awooda badan.”

Lionel Messi iyo kooxdiisa Barcelona Jimcadan ayay ogaan doonaan kooxda ay ku aadi doonaan wareega 8-aad ee Champion-ka ayagoo og in afar koox Ingiriis ah marxaladan joogaan oo loo badin karo midkood inay ku aadi karaan Liverpool, Man City, Man United iyo Tottenham sidoo kalena waxaa isla marxaladan joogaan FC Porto, Ajax iyo Juventus.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan