75% dhulka waa biyo inta kalena waxaa daboolo Van Dijk sidaas waxaa yiri milkiilaha Liverpool!

0
253

 

Kooxda Liverpool ayaa guul caan ah ku gaartay gudaha Jarmalka ayadoo 3-1 guusha kaga qaadatay Bayern Munich iskana xaadirisay wareega 8-aad Champion-ka oo maalinta berito ah isku aadkiisa la sameyn doono.

Kulankii xalay Sadio Mane ayaa labo gool dhaliyay halka Virgil Van Dijk isagana dhaliyay gool muhiim ah sidoo kalena markale bandhig heer sare ah oo hogaamin sare ka muuqato sameeyay.

Milkiilaha kooxda Liverpool John W. Henry ayaa amaan lixaad leh kala dul dhacay Van Dijk wuxuuna yiri “75% dunida waa daboolo biyo halka 25% inta soo hartay uu buuxiyo ama daboolo Van Dijk”

Sidoo kale milkiilaha reer Mareekankan wuxuu bogaadiyay awooda kooxaha Ingiriiska Champion-ka la imaadeen madaama afar naadi wareega 8-aad u joogaan kooxaha Ingiriiska wuxuuna yiri “Waa wax qurux badan ama macaan in afar naadi Ingiriis ah wareega 8-aad Champion-ka joogaan horey usii socda sanadkan waa sanadkiina.”

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan