7-xaqiiqo oo UEFA ka diiwaan galisay guushii weyneed xalay Liverpool Allianz kaga soo heshay Bayern

0
251
Liverpool's Dutch defender Virgil van Dijk celebrates scoring the 1-2 goal with his team-mate Brazilian midfielder Roberto Firmino (R) during the UEFA Champions League, last 16, second leg football match Bayern Munich v Liverpool in Munich, southern Germany, on March 13, 2019. (Photo by Christof Stache / AFP) / ALTERNATIVE CROP (Photo credit should read CHRISTOF STACHE/AFP/Getty Images)

 

Kooxda Liverpool ayaa 3-1 cagta ku marisay naadiga Bayern Munich kulan xalay ka dhacay Allianza Arena lugta labaad wareega 16-aad Champion-ka sidoo kalena isku darka goolasha labada lug Reds ayaa 3-1 ugu soo baxday wareega 8-aad.

Sadio Mane ayaa labo jeer shabaqa soo gaara halka Virgil Van Dijk isagana goo muhiim ah Liverpool u dhaliyay sidoo kalena Matip ayaa iska dhaliyay goolka Bayern la imaaday.

Haddab waxaan idiin heynaa 7-xaqiiqo oo muhiim ah ee lagu diiwaan galiyay Web-ka xiriirka kubada cagta Yurub (UEFA) iska leeyihiin:

Xaqiiqada 1-aad: Waa markii 3-aad taariikhda UEFA Champions League ee afar naadi Ingiriis ah wareega 8-aad tartankan soo gaaraan sidaasna waxay horey u dhacday 2007/08 iyo 2008/09 markaasna waxaa marxalada aan ka hadleyno labo sano isku xigto soo gaareen Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Manchester United.

Xaqiiqada 2-aad: Van Dijk ayaa loo diiwaan galiyay goolkiisa ugu horeeyay Champion-ka asigoo tartankan cayaaray 19-kulan.

Xaqiiqada 3-aad: Sadio goolashiisa 9-ka mid ah 12-ka gool uu Champion-ka ka dhaliyay wuxuu dhalinaayay kulamada bug baxda ah ama Knock Out-ka loo yaqaan.

Xaqiiqada 4-aad: Matip wuxuu noqday cayaaryahanka 4-aad ee Liverpool ah kaasi oo gool kama ah iska dhaliyo Champion-ka waxaana kaga horeeyn iska dhalinta goolasha Sami Hyypiä (Beşiktaş, 2007), John Arne Riise (Chelsea, 2008) iyo James Milner (Roma, 2018).

Xaqiiqada 5-aad: Goolhaye Neuer wuxuu noqday cayaaryahanka 38-aad ee Champions League 100-kulan iyo ka badan cayaaro. Sidoo kalena waa goolhayaha 6-aad ee darajadan 100-kulan iyo ka badan gaaro Iker Casillas, Gianluigi Buffon, Petr Čech, Víctor Valdés iyo Oliver Kahn.

Xaqiiqada 6-aad: Liverpool ayaa markii 15-aad usoo baxeen wareega 8-aad koobka horyaalada Yurub waxayna guuleesteen 10-ka mid ah 14-wareeg ay cayaareen wareega 8-aad labada lug.

Xaqiiqada 7-aad: Bayern Munich waxaa laga soo idleeyay 7-jeer isku xigto oo ay wareega 8-aad koobka horyaalada Yurub imaanayeen.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan