5-Xaqiiqo muhiim ah oo UEFA ka diiwaan galisay wacdarihii xalay Barcelona ku dhigtay Lyon

0
249
BARCELONA, SPAIN - MARCH 13: Philippe Coutinho of Barcelona celebrates as he scores his team's second goal with Lionel Messi during the UEFA Champions League Round of 16 Second Leg match between FC Barcelona and Olympique Lyonnais at Nou Camp on March 13, 2019 in Barcelona, Spain. (Photo by David Ramos/Getty Images)

 

Naadiga Barcelona ayaa iska xaadiriyeen wareega 8-aad Champion-ka ayagoo si xarago ku dheehan cagta ku mariyeen kooxda Lyon kulan ka dhacay Camp Nou wareega 16-aad lugtiisa labaad waxayna Barca kusoo baxeen isku darka labada lug ee goolasha 5-1.

Barcelona 5-1 guusha ay Lyon kaga qaadatay waxaa goolasha u dhaliyeen Messi 2-gool, Pique, Coutinho iyo Dembele halka Lyon goolka qura uu u dhaliyay Tousart.

Haddab waxaan idiin heynaa 8-xaqiiqo oo muhiim ah ee lagu diiwaan galiyay Web-ka xiriirka kubada cagta Yurub (UEFA) iska leeyihiin kuna saabsan jabkii Barca u geesatay kooxda Lyon:

Xaqiiqada 1-aad: Barcelona wax guuldaro ah ma aysan la kulmin 30-kulan UEFA Champions League oo ay garoonkeeda Camp ku cayaartay waxayna jebiyeen ama dhaafeen rikooorkii Bayern Munich u yiilay intii u dhaxeesay Maarso 1998 ilaa April 2002.

Xaqiiqada 2-aad: Lionel Messi haatan wuxuu dhanka goolasha kala mid yahay Robert Lewandowski xili cayaareedkan ayagoo min 8-gool wada dhaliyeen.

Xaqiiqada 3-aad: Messi ayaa si la yaab leh garoonka Camp Nou ku dhaliyay 62-gool asigoo ku cayaaray 61-kulan!

Xaqiiqada 4-aad: Barcelona kaliya hal guuldaro ayay la kulantay 19-kulan ugu dambeesay UEFA Champions League cayaartay.

Xaqiiqada 5-aad: Barcelona ayaa guuleesatay 12-kulan wareega kulamada bug baxda ugu dambeesay oo ay garoonkeeda ku cayaartay 16-kulan ka mid ah lugta labaad.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan