Maanta oo kale kubada cagta maxaa ka dhacay: Chelsea oo la aas aasay iyo Messi oo Sedexleydiisa ugu horeesay loo diiwaan galiyay

0
218

 

Maanta oo kale (10 Maarso) waxyaabaha kubada cagta laga diiwaan galiyay ee taariikh ahaan dhaceen ayaan idiin heynaa kuna saabsan kooxaha iyo cayaartooyda caanka ah taariikhaha maanta oo kale laga diiwaan galiyay:

Maanta oo kale 10 Maarso 2007 Lionel Messi ayaa Sedexleydiisa ugu horeesay loo diiwaan galiyay wuxuuna ka dhaliyay Real Madrid kulan El Classico oo 3-3 lagu kala baxay kana tirsanaa La Liga. Waxaana xusid badan in haatan Barca 44- Hat Trick uu u dhaliyay.

Maanta oo kale 10 Maarso 1905 Chelsea ayaa la aas aasay naadiga guusha u saaxiib ah sidoo kalena kubada cagta taariikh weyn ku leh xiligaan la joogo.

Maanta oo kale 10 Maarso 2009 Liverpool 4-0 Real Madrid waxayna isku arkeen wareega 8-aad Champion-ka ayadoo Reds ceebeesatay Madrid. Fadlan hoos ka daawo Gerard iyo Torres wacdarihii ay Madrid ku dhigeen 10-sano ka hor:

Maanta oo kale 10 Maarso 1988 waxaa dhashay Ivan Rakitic oo Barcelona iyo Croatia u cayaaro kana mid ah xidigaha khadka dhexe kuwooda ugu wanaagsan caalamka.

Maanta oo kale 10 Maarso 1981 waxaa dhashay Samuel Eto’o oo lagu tilmaamo laacibka qaarada Afrika kasoo jeedo midkiisa ugu guulaha badan dhanka naadiyada Yurub madaama uu waqti dahabi ah la qaatay Barcelona iyo Inter Milan.

Related image

Maanta oo kale 10 Maarso 1919 Arsenal ayaa ka mid noqotay kooxaha FA-ga heerka kowaad Ingiriiska inay matalaan u doorteen wixii markaas ka dambeeyay marnaba heerka labaad uma laabanin sidaa darteed 100-sano oo xariir ah ayay horyaalka heerka kowaad Ingiriiska cayaareysaa waana darajo kooxdan kaliya u gaar ah dhamaan kooxaha kale heerka labaad ayay u laabteen.

Maanta oo kale 10 Maarso 1925 naadiga Olympiacos ayaa la aas aasay waana kooxda ugu guulaha badan Greece ayagoo qaadeen 44-horyaal.

Image result for Olympiacos

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan