Barnaamijka raadraaca maanta maxaa kooxdaada ka cusub??

0
427

Fiidnimo wanaagsan akhristayaasha qiimaha badan ee warsidaha Gool ku xiran kusoo dhawaada maqaal qoraaladiisa koobanyihiin oo aan idiin kuugu soo koobi doono wararkii ugu dambeeyay ee cayaaraha.

1-laacibka daafaca dhexe uga cayaara kooxda kubadda cagta ee Juventus Leonardo Bonucci ayaa sheegay inuu iska diiday kooxda kubada cagta Real Madrid xagaagii dhawaa asigoo sheegay inuu ka doorbiday dib ugu laabashada kooxdiiisii hore ee Juventus.

2-Maclinka kooxda kubbada cagta ee Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in doonayay inuu lasoo wareego xidiga garabka kaga cayaara kooxda BVB Dortmund ee Jadon Sancho kahor intuusan kooxdaasi ku biirin 2017dii hase yeeshee ay kahor istaagtay in kooxaha England ka dhisan waxba iska iibsanin.

Klopp ayaa yiri “ma garanayo sababta aysan kooxaha England cayaaryahanada isaga iibinin balse waxay arintaasi fursad u tahay kooxaha ka dhisan horyaalka Germany maadaama ay da’yarta hibada leh ee kooxahooda fursad ay ugu cayaaraan heysan iibsan karaan.

3-Tababarihii hore ee kooxaha Juventus oyo Real Madrid Fabio Capello ayaa sheegay in Messi uu yahay cabqariga kaliya ee kubadda cagta cayaaro biladaha uusan xulkiisa la qaadina aysan waxba u dhimeynin.

Capello oo Real Madrid labo jeer macalin usoo noqday sidoo kalana labo Horyaal kula guuleystay ayaa Lio Messi kasaro mariyay dhigiisa Ronaldo.

4-Kulankii xalay ee Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayay BBCda ku warantay inuu ahaa kulankii ugu daawashada badnaa tartamada gudaha ee sanadkaan iyadoo ay TVga ka daawadeen 8.1 Million.

5-Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in Jamaahiirta Manchester United ay doonayaan calaamada kabtanimo ee kooxda loo xiro Andre Herrera kadib markii uu cayaaro xamaasad iyo isbiirad leh soo bandhigay tii ugu dambeysayna waxay aheyd xalay kadib markii la arkay asigoo dhiiro galinaayo Alexis Sanchez.

6-Laacibka weerarka uga cayaaro kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu so waramayaa inuu ka gudbay tijaabadii caafimaad isla markaasna uu diyaar u yahay kulanka ay caawo kooxdiiisa wajihi doonto kooxda Bayern Munich tartanka Uefa Chambions League.

Hadii aad akhrisatay sidee u aragtaa Barnaamijkaan?

Lawadaag asxaabtaada.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan