Warbixin: Icardi Oo Laga Qaaday Kabtanimada Kooxda Inter Iyo Xaalada Oo Meel Xasaasi Ah Mareeso.

0
543

Inter iyo Icardi xaaladooda mudada soo jiitameesay oo waqti yeesan hoos kaga bogo:

October 7, 2016: Inter waxay ku dhawaaqday in Mauri Icardi uu saxiixay heshiis gaarayo ilaa 2021 sidoo kalena sanad walbo uu qaadanayo €4.5m qandaraaskiisana €110m kooxaha aan gudaha Talyaaniga ka dhisneyn ku jebin karaan.

October 16, 2016: Taageerayaasha Inter ee xag jirka ah Curva Nord ayaa dalbadeen in Icardi kabtanimada kooxda laga qaado kadib markii buug uu noloshiisa kaga hadlaayo taageerayaasha Inter kuwa xag jirka ah ku dhaliilay.

October 17, 2016: Icardi xaaskiisa Wanda oo wakiil u ah waxay Corriere dello Sport in seygeeda uu Inter heshiis cusub u saxiixay xili Napoli dalab wanaagsan usoo dirtay si uu Higauin badal ugu noqdo.

April 7, 2017: Wanda waxay sheegtay inay tahay marwada kaliya ee seygeeda lacag u shaqeyso madaama qiimahiisa Icardi ahaa €14m markii ay wakiil u noqotay maantana uu yahay €250m qiimahiisa suuqa Yurub.

September 25, 2017: Wanda ayaa sheegtay in seygeeda ka go’antahay inuu Inter lasii joogo waxayna hadalkaas ka sheegtay goobtii lagu soo bandhigaayay Icardi buuga noloshiisa ka hadlaayo.

November 30, 2017: Wanda ayaa dagaal ku bilaawday madaxda Inter waxayna saxaafada u sheegtay in seygeeda mushaar badan ku shaqeeyo mudan yahay sidoo kalena €200m qiimahiisa suuqa maraayo.

December 15, 2017: Wanda waxay soo hadal qaaday magaca kooxda Real Madrid iyo in seygeeda caasimada Spain laga doonayo balse go’aanka ugu dambeeyo isaga iska leeyahay.

February 22, 2018: Wanda waxay Corriere dello Sport u sheegtay in agaasime Ausilio dar dar galineyn heshiiska cusub Icardi laga saxiixayo sidoo kalena labo koox caan ah mushaar waali ah diyaar ula yihiin.

March 20, 2018: Wanda Gazzetta dello Sport u sheegtay inay agaasimayaasha Inter la kulantay wax walbo la dhameeyay dhawaana Icardi heshiis dheer saxiixi doono isagana mushaarka uu mudnaa la siin doono.

May 22, 2018: Wanda maamulka Inter ayay u digtay in €110m qandaraaskiisa lagu jebin karo kuna dhiiri galineyso kooxaha Yurub inay iibsidaan madaama waxa uu mudan yahay Inter siin weesan tahay.

July 2018: Icardi wuxuu go’aan ku gaaray inuu Inter lasii joogo balse uusan saxiixan heshiis cusub mana aysan ka hadlin arinkan xaaskiisa Wanda oo wakiil u ah.

September 4, 2018: Wanda ayaa sheegtay in Juventus lasoo xariirtay ka hor inta aysan Cristiano Ronaldo qaadanin waxayna kala hadashay sidii Icardi Turin ku tagi lahaa balse qorshaha labaad Juve ayuu Icardi ahaa qorshaha kowaad Ronaldo ayuu ahaa weyna ku guuleesteen saxiixiisa.

November 28, 2018: Wanda waxay Corriere dello Sport u sheegtay in Icardi heshiis cusub saxiixeyn kana fikirayaan magaalooyinka ay ku noolaan lahaayeen London, Madrid ama Paris madaama Inter lacagta seygeeda u qalmo siineyn.

December 18, 2018: Wanda weerar ku qaaday maamulka Inter ayadoo sheegtay in Inter xitaa rabeen seygeeda Juve ka iibiyaan balse isaga diidan waana mid muujineyso inuu Inter jecel yahay balse iyaga aysan rabin inay qandaraas cusub ka saxiixaan.

January 9, 2019: Wanda ayaa wargeska TyC Sports ee Argentina kasoo baxo u sheegtay in seygeeda Icardi heshiis dambe saxiixeyn kaliya uu qandaraaskiisa 2021 ku eg dhameesanayo ama xagaagan kooxda isaga tagayaan.

January 10, 2019: Icardi ayaa sheegay in xaaskiisa isaga masuul kaga tagay heshiisyada uu galaayo sidoo kalena go’aan walbo ay qaadato ku garab taagan yahay.

January 12, 2019: Wanda waxay sheegtay in seygeeda cidna ka xigin sidoo kalena ay taqaan waxa qoyskooda dan u ah, sidoo kalena wixii xushmad daro ah aysan qaadan karin.

January 18, 2019: Maamulka Inter iyo Wanda inay kulmaan ayaa la rabay balse kulankan ma dhicin, waxayna Wanda barteeda Instagram-ka ku sheegtay in maamulka Inter ku jiraan kuwo labo wajilayaal ah.

January 28, 2019: Wanda ayaa xaalada dajisay waxayna sheegtay madaxa fulinta Inter mudane Moratta inuu yahay qof daacad ah sidoo kalena ay is fahmi karaan.

February 11, 2019: Wanda ayaa weerar ku qaaday maamulka Inter waxayna sheegtay in Icardi ilaalo gaar ah mudan yahay qandaraas kordhin iyo mushaar heer sare la siiyo lagu balamay waxba ka hirhalin sidoo kalena aysan la dhacsaneyn sida wax u socdaan.

February 13, 2019: Inter waxay kabtanimada ka qaaday Icardi waxaana kabtanka koowaad kooxda laga dhigay goolhaye Samir Handanovic. Sidoo kalena waxaa laga reebay Icardi liiska cayaartooyda Inter u xulatay Europa League wareegiisa 32-aad kulanka Rapid Vienna ay wajahayaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan