Dagaalka Pep Guardiola iyo Real Madrid: Qaybtii dhaliisha ee dhalisay dagaalka.

0
320

Tababaraha Manchester City ayaa dhanka ammaanta aanan kaga harin Real Madrid, waxaana jirtay eedeymo iyo dhaliillo kulul oo uu u jeediyay kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Eedeynta Pep

“Waa kuwee kooxaha ugu fiican tobankii sano ee lasoo dhaafay? Waa Juventus, Bayern iyo Barcelona. Sabab? Xilli ciyaareed walba waxa ay ku guuleystaan horyaalladooda.

“Real Madrid ma ahan kooxda ugu wanaagsan tobankii sano ee lasoo dhaafay, marka la xisaabiyo horyaallada, koobabka iyo waxyaabaha kale. Juventus, Barcelona iyo Bayern Munich waxa ay ku guuleysteen lix illaa toddobo horyaal, iyaguna laba jeer.

“Inaan Real Madrid garaaco wey i farxad gelineysaa aniga.

“Guushii aan ka gaarray ee 5-0 waxa ay ahayd mid maad ah, qaybtii hore ee ciyaartaas waxa ay isu baasi waayeen saddex baas oo dhammeystiran si xiriir ah.

“Kubbadaha sare waa dhaqankooda, waa ay ku fududyihiin daba-marteynta. Marka ay sidaas u ciyaarraan, Madrid lama joojin karo.

“Waa orodyahanno, haddii aad u ogolaatid inay ordaan waa Qatar”.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan