Dagaalka Pep Guardiola iyo Real Madrid: Qaybtii ammaanta ka hor dagaalka.

0
284

Xiriirka u dhexeeya Pep Guardiola iyo Real Madrid ayaa waxa uu yahay mid xamaasad sii yeellanaya, maadaama weerarrada Pep ay yihiin kuwa xanuunjinaya Los Blancos.

Mar kale ayay soo laabatay eedeyntii Guardiola ee ku qotontay Real Madrid , waxaana uu ka saarray saddexda koox ee ugu wanaagsan qaaradda Europe 10-kii sano ee ugu dambeysay.

Guardiola ayaa ka door biday Madrid kooxihii uu soo maamulay ee Barcelona iyo Bayern Munchen, waxaana uu ku daray Juventus, waxaana uu meesha ka saarray kooxda hanatay Champions League-ga afar ka mid ah shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu Pep Guardiola weeraro Los Blancos, waxaase sidoo kalena la fahansanyahay inaysan noqoneyn markii ugu dambeysay.

Sidaas darteed, annagoo xiganeyna wargeyska Spain kasoo baxa ee Marca, waxaan eegi doonnaa ammaanta iyo dhaliisha uu macallinka Manchester City u jeediyay Real Madrid.

Ammaanta Pep

“Marka aad tahay koox ku guuleysatay saddex jeer oo xiriir ah tartan UEFA Champions League, afar jeer oo ka mid ah shantii sano ugu dambeysay, waxa aad tahay koox cajiib ah.

“Champions League waa tartan adag, waa inaad iyada uga hartaa, waxaan isku dayi doonnaa inaan u diidno in afar jeer oo xiriir ah ay ku guuleysato Champions League-ga.

“Madrid marwalba waa Qatar, iyadoo aanan loo fiirrineyn tababaraha hooggaaminaya.

“Iyaga oo heysta Ronaldo, ama iyaga oo aanan heysan, Real Madrid waa koox weyn, balse waxa ay lumiyeen wax badan, 50 gool illaa 60 gool. Isaga (Ronaldo) waa mid cajiib ah, iyadoo aanan la eegeyn keliya goolashiisa, misena waa mid xilliyada adag loo baxsado. Isaga waa mid aanan la beddeli Karin.

“Madrid waa koox heysta awood qaas ah. Waa koox adag in la wajaho. Shaqsi ahaanteyda, waa kooxdii ugu adkeyd aan la ciyaaro.

“Madrid marnaba ma aysan u ciyaarrin si xun. Aniga waan ka helay qaabkooda joogtada ah iyo awoodda ay sare ugu sii kacaan sanad walba sanadka ka dambeeya.

“Waxaan filayaa inaan wax badan wajahi karay iyaga. Waxaan ka wada hadli lahayn kubbad cagta, waxaan la ciyaarray koox awood badan mudan in xushmad walba la siiyo”.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan