Sidee ayay uga fal celiyeen xiddigaha kubadda cagta jawaabtii Police-ka ee ku aaddanayad Emiliano Sala?

0
370

Ciyaartoyda kubadda cagta iyo kooxaha ka dhisan dunida dacalladeeda ayaa waxa ay yihiin kuwo ducooyin baraha bulshada ugu diraya xiddigga ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee Emiliano Sala, kaasoo Police-ka ay xaqiijiyeen in jirkii la helay uu yahay meydkiisii.

Difaaca kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa ka mid ah dadka barahooda bulshada soo geliyay qoraallada ay uga tiirraanyoonayaan geerida Sala.

Xiddigga reer Croatia ayaa bartiisa Instagram-ka kusoo qoray: ‘Maalin walba ayaan duceynayay, maxaa yeellay rajadu waa maalinta ugu dambeysa. Tani waa arrin weyn, mudan in la aqbalo’.

‘Ma qiyaasi karo xittaa sida ay ugu adagtahay qoyskaada. Annaga oo dhan weynu kula jirnaa!’

Arsenal kubbad sameeyaheeda Mesut Ozil ayaa isna soo qoray: ‘Ma aqaano ereyo aan ku qeexo murugada ay arrintani leedahay.

‘Ducooyin ayaan u dirayaa qoyskiisa iyo qoyska duuliyihii diyaaradda’

Kooxda ciyaaryahankan saxiixiisa heshay ee usoo socdaallayay si uu ugu ciyaarro ayaa iyaguna website-kooda rasmiga ah kusoo qoray: ‘Murugada iyo tacsida ayaan la qaybsaneynaa qoyska Emiliano. Isaga iyo David waxa ay ebid baaqi ku ahaan doonaan maankeenna.’

Xiddigga Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa isugana soo qoray: ‘Waa niyad jab in la maqlo akhbaarta aanan wanaagsanayn eek u aaddan Emiliano Sala. Nabad gelyo!

‘Waxaan u tacsiyeynayaa qoyska iyo saaxiibbada Emiliano iyo Duuliyaha.’

Weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa isugana daabacay: ‘Waa murugo dhib badan. Nabad gelyo, Emiliano. Waan u tacsiyeynayaa saaxiibbadiisa iyo qoyskiisa.’

Sidoo kale xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe, Antonio Valencia iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa ‘RIP’ ugu tacsiyeeyay Sala.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan