Jirkii la helay ma yahay midkii Emiliano Sala?

0
329

Police-kii ku shaqada lahaa baarista raqda Emiliano Sala ayaa waxa ay xaqiijiyeen in jirka la helay uu yahay meydka xiddiggii reer Argentina, kaasoo lala waayay diyaaraddii luntay bishii aynu kasoo gudubnay.

Meydka xiddiggan ayaa laga soo jiiday diyaaraddii, iyadoo diyaaradda laga helay salka badda wuqooyi ee Guernsey horraantii toddobaadkan.

Diyaaradda sidday Sala, sidoo kalena uu duuliyaha ka ahaa David Ibbotson ayaa la waayay qiyaastii 8:30p, bishii January 21-keedii, waxaana weeraryahanka Cardiff City ay la saxiixatay uu kasoo safray Nantes isagoo kusoo jeeday caasimadda Wales.

Baaritaanka diyaaradda lagu raadinayay ayaa markii hore lagu soo koobay saddex maalmood, hase ahaatee qoyska Sala ayaa qarash badan ku bixiyay si loo soo helo meydkiisa ama isaga oo nool, waxaana qayb lixaad leh ka qaatay qarash bixintaas dunida kubadda cagta.

Koox gaar ahaa oo loo xil saarray baadi-goobka haraadiga diyaaraddii la waayay ayaa waxa ay kasoo heleen sagxadda Channelka Ingiriiska bishan February 4-teeda.

Hal ruux meydkiisa ayaa laga helay gudaha diyaaradda burburtay, waxaana markii laga soo saarray la xaqiijiyay inuu yahay midka Emiliano Sala.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan