Diinta Islaamka oo sabab u noqotay in Mehdi Benatia uu iska diido Manchester United!

0
492

Difaacii hore ee Juventus, Mehdi Benati ayaa sharraxay go’aanka uu ugu biirray kooxda reer Qatar ee Al Duhail, isla markaasna uu isaga diiday Manchester United.

Diinta uu heysto ee Islaamka ayaana sabab uu uga dhigay inuu iska diido fursad uu kaga mid noqon karay kooxda United oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Europe.

31-jirkan ayaa Al Duhail bishii January ee nasoo dhaaftay ugu biirray qiimo dhan £7m, waxaana uu mushaar ahaan u qaadan doonaan £4m sida ay wararka Italy kasoo baxaya ay sheegayaan.

Balse go’aanka uu qaatay laacibkan waxa uu dhaliyay in eedeymo badan oo uu kala kulmay dadkiisa Morocco ka dib markii uu horyaalka Qatar ku biirray, hase ahaatee, waxa uu difaacay go’aankiisa.

“Waxa aan bahda ciyaaraha ee Morocco kala kulmay eedeymo markii aan Doha u dhaqaaqay, balse waxaan doonayaa in qof walba uu qaddariyo go’aankeyga, waayo aniga iyo qoyskeyga ayuu u wanaagsanyahay” ayuu yiri Benatia.

Waxaana uu intaas raaciyay “Waxaan doonayaa in carruurteyda ay ku barbaarraan deegaan Islaam, waxaanna awooday inaan ku biirro kooxo ka dhisan UAE ama Saudi Arabia, balse aniga ayaa doortay Al Duhail, halkaasna waxaa jooga xiddigo badan oo qaranka Morocco igala tirsan.

“Tababare Herve Renard si wanaagsan ayuu ii yaqaanaa, haddii uu ii arko inaan u qalmin matalidda qarankana, go’aankiisa waan xushmeyn doonnaa” ayuu yiri difaacii hore ee Roma, Bayern Munich iyo Juventus.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan