Barcelona oo si la yaab leh ugu dhaqaaqeysa saxiixa xiddig Real Madrid ka tirsan!

0
417

Waxaa si aad ah loo hadal hayay shaki badan ee hareeyay mustaqbalka laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Isco, kaasii oo ay kooxo badani ay doonayaan.

Kubbad sameeyaha reer Spain ayaa waxa uu noqday mid deris la ah kursiga keydka ee kooxda Real Madrid, tan iyo markii shaqada tababarennimo loo magacaabay Santiago Solari oo bishii October ee 2018 kala wareegay Julen Lopetegui oo shaqada laga ceyriyay.

Sidaas awgeed, kooxo badan ayaa saxiixiisa isu diyaariyay, si ay kaga faa’ideystaan xaaladda wareerka ah ee ka dhexeya Isco iyo Solari.

Juventus, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood il gaar ah ku haya saxiixa xiddiggan, waxaana ay yihiin kuwa xagaaga ku dagaallami doona saxiixiisa.

Barcelona oo ay aad u xafiiltamaan Real Madrid ay qayb kasoo noqontay kooxaha xiddigan doonaya, waxaana yihiin kuwo diyaar u ah inay ku dagaallamaan sidii ay ku heli lahaayeen haddii uu Los Blancos ka tagayo.

Guddoomiya Barca ee Josep Maria Bartomeu ayaa hoosta ka xarriiqay, sidoo kalena xaqiijiyay xiisaha ay u qabaan 26-jirka farsamada badan.

Waxaana uu tibaaxay inuu xiiseyn lahaa u dhaqaaqistiisa, haddii uu go’aansado Real Madrid.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan