Barcelona oo farriin ku aaddan Philippe Coutinho u dirtay Manchester United iyo Chelsea, iyo kooxaha Ingiriiska oo dareen hor leh galay!

0
399

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa ugu digay kooxaha Premier League-ga ka ciyaarra ee Manchester United iyo Chelsea inay iska illoowaan saxiixa Philippe Coutinho.

Barca madaxweynaheeda ayaa xaqiijiyay in Coutinho uusan ahayn mid iib ka ah garoonka Camp Nou.

Kubbad sameeyaha reer Brazil ayaa waxa uu jiilaalkii 2018 Barcelona kaga soo biirray kooxda Ingiriiska ah ee Liverpool, xilligaas oo ay iibkiisa ku kacday lacag dhan £142m, hase ahaatee, qaab ciyaareedkiisa oo hoos u dhacay iyo aaminaad la’aan uu ka helay Ernesto Valverde ayaa dhalisay in mustaqbalkiisa uu shaki badan soo galo.

Kooxaha England ka dhisan ee United iyo Blues ayaa waxa ay doonayaan inay halkaas ka raadiyaan fursad ay Coutinho dib ugu soo celiyaan horyaalka Premier League oo waqti wacan ku qaatay.

“Wax badan ayaan ka rajeyneynaa Coutinho, ayaa Bartomeu uu u sheegay Marca, waxaana uu intaas raaciyay “ma doooneyno inaan iibinno, waxa uuna ka mid yahay xiddigaha ugu wanaagsan ee aynu dooneyno inaan sii heysanno”.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Barcelona waa uu xaqiijiyay inuusan wax xiiso ah u qabin inay iibiyaan Coutinho, sidaas darteedna ay kooxaha Ingiriiska ka dhisan ay tahay inay maankooda ka saarraan saxiixa 26-jirkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan