Transfer News: Tottenham Oo Barcelona Ka Dulqaadaysa Adrien Rabiot.

0
186

Kooxda kubadda cagta ayaa lagu soo warramayaa in ay soo qaadanayso xidiga PSG gadoodka ka ah ee Adrien Rabiot

Mustaqbalka laacibka reer France ayaa waqti hore go’aansadaybin uu isaga dhaqaaqo Paris Saint-Germain.

Si kastaba ha ahaatee, laacibkan ayaan la ogayn halka uu dhaqaaqi doono inkasta oo Barcelona ay kalsooni ku qabto in ay beeca xorta ah kula wareegto xidigan.

Dhanka kale waxaa jira kooxa kale oo xiisaynaya xidigan, kuwaas oo danaynaya in ay gacanta kudhigaan bishan janaayo.

Kooxahan ayaa waxaa horkacaya kooxda uu maamulo tababare Mauricio Pochettino, taas oo doonaysa in ay laacibkan ku yaboohdo addun dhan 20-malyan oo Euro, si ay PSG ugu qanciso in ay laacibkan iibiso bishan.

Balse Rabiot ayaa jeclaan lahaa in uu sugo inta uu kadhacayo heshiiskiisa si uu ugu biiro koox cusub.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan