Transfer Live: Silva, Koulibaly,Barelle Iyo Wararka Ugu Waaweyn ee Barqadaan Laga Qoraayo Suuqa Kala Iibsiga.

0
313

Ancelotti oo Digniin U Diray Kooxaha Doonaya Koulibaly:

Macalinka Hogaamiya kooxda Napoli Ee Carlo Ancelotti ayaa digniin Hawada u mariyay kooxa Loolanka Ugu Jira Xidiga Daafaca ka Xiyaara ee Reer Senegal.

United ayaa ah kooxda Ugu Badan Ee Dalabyo ka Gudbisa Xidigaan balse Hadalka Carlo ayaa ah Mid u diidaya soo qaadashasa Wiilkaan.

“Ma jirto koox aan ka iibineyno Kooxdeena, Waa mid ma kamid ah xidigaheena waxaan dhilahaa kooxda si adag ugu shaqeey”.

Man United Oo Chelsea Ka Af Duubaneysa Nicola Barelle:

Barella ayaa Lala Xiriirinaaye kooxda Chelsea inay soo qaadan Doonaan Balse waxay haatan u muuqdaan koox ka Gaabisay Saxiixaas.

Man United ayaa haatan diyaar u ah in ka dulqaadaan kooxda Chelsea Xidigaan waxayna Ka Gudbin doonaan Dalab Rasmi Ah Inta Uusan Xermin suuqa Kala Iibsiga.

Pep Guardiola Oo Donaayo In Uu Silva Sii Joogo Kooxda Man City:

Macalinka kooxda Man City Ayaa Diyaarinaayo Qorshe Hishiiska Loogu kordhinaayo wiilka ay isku dalka Yihiin ee David Silva oo La Rajeynaayo Marka Uu Dhamaado Qandaraaska Uu Kula Jiro Kooxda Man City In Uu Dib ugu Laabto Horyaalka La Liga Gaar Ahaan Kooxdii Uu Ka soo Hana Qaaday ee Las Palmas.

Pep Guardiola Ayaa Wax Badan Ka War Qaba Awooda uu leeyahay xidigaan waxa uuna maamulka u sheegay in ay  ka shaqeeyaan qaabkii uu Silva Ku Sii Joogi lahaa Kooxdooda.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan