Barcelona oo De Jong u sheegtay inay iibineyso saddexdan xiddig, si uu joogto uga ciyaarro Camp Nou!

0
385
AMSTERDAM, NETHERLANDS - AUGUST 14: Frenkie de Jong of Ajax in action during the UEFA Champions League third round qualifying match between Ajax and Royal Standard de Liege at Johan Cruyff Arena on August 14, 2018 in Amsterdam, Netherlands. (Photo by Dean Mouhtaropoulos/Getty Images)

Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay Frenkie De Jong u ballan qaadeen in saddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ka ciyaara ay kooxda ka tegi doonaan marka la gaaro dhammaadka xilli ciyaareedkan, si ay kaga dhaadhiciyaan usoo dhaqaaqitaanka Camp Nou.

De Jong ayaa ka fikiriyay fursaddiisa ciyaareed ee Barcelona marka uu usoo dhaqaaqo dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaase kooxda Barca ay xiddiggan usoo bandhigtay qorshaheeda suuqa kala iibsiga sida laga soo xiganayo werriyaha Spanish-ka ah ee Quim Domènech isagoo la hadlayay barnaamijka El Chiringuito’

Saddex ciyaaryahan ayaa lagu wadaa inay ka tagaan Barcelona xagaaga nagu soo fool leh, iyadoo ay noqoneyso mid gogol xaar u ah inuu fursad fiican ka helo u ciyaarista Barca, waxaana xiddigaha farta lagu fiiqay ay yihiin Ivan Rakitic, Denis Suarez iyo Rafinha.

Sidoo kale hadal hayn badan ayaa ka jirta mustaqbalka laacibka khadka dhexe ee Denis Suarez, kaasoo ay macquul tahay inuu isla bishan January ka tago Barca, Arsenal ayaana si aad ah u xiiseyneysa, iyo Unai Emery uu qiray in keliya kooxdiisa ay qorsheyneyso inay sameyso keliya heshiisyo amaah ah.

Denis ayaa inta badan noqday mid uusan isticmaalin tababaraha leyliya Barca ee Ernesto Valverde, halka Rafinha dhowr jeer uu ciyaaray ka hor inta uusan dhaawac daran markale garoomada ka saarrin.

Brazilian-kan ayaa isna waxa uu yahay mid ay Barcelona suuqa dhigi doonto, inkastoo ay adagtahay in la helo koox soo damacda beeciisa.

Invan Rakitic ayaa billawgii xilli ciyaareedkan waxaa soo food saarray mustaqbalkiisa welwel iyo shaki badan, iyadoo si aad ah loola xiriiriyay kooxda Paris Saint-Germain, waxaana imaanshaha De Jong ay ka dhigantahay inay kooxda reer Spain iibin doonto laacibka reer Croatia.

Sidoo kale Andre Gomes oo hadda amah ugu ciyaarraya Everton iyo Sergi Samper oo heshiiskiisa uu dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa ayaa ah kuwo aanan mustaqbal ifaya ku lahayn Camp Nou.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan