wararka ugu waaweyn ee suqa kala iibsiga iyo wax walbo oo ka cusub kooxdaada.

0
292

Dybala, Suarez , Bergwijn,Eric Bailly, Mosses, Rabiot, Henry iyo wararka ugu waaweyn ee xanta maanta la Qoraayo.

Liverpool Oo Doneysa Callum Hudson-Odoi:

Kooxda Kubada Cagta Ee Liverpool Ayaa ku soo biirtay Loolanka Loogu Qaadashada Da’yarka kooxda Chelsea Callum Hudson-Odoi kasoo ay marki Hore Dooneysay Kooxda Reer Germany ee Bayar Munich Bild – in German)

Dortmound oo Dooneysa Zaha:

Kooxda Kubada Cagta Ee Dortmound Ayaa Dooneysa In Ay La Soo Wareegaan laacibka kooxda Crystal Palace Zaha Kaasoo ay U Arkaan Badal Pulisic oo Chelsea Ku Biiray (Guardian)

Paredes Oo Ku Dhaw Psg:

Kooxda Kubada cagta Ee Psg Ayaa Qarka U Saaran in Chelsea Ku Garaacaan saxiixa Wiilka Reer Argentina Ee ka tirsan kooxda Zenit Zat Petersburg Ee  Leandro Paredes oo 24-sano Jir ah  . (Telegraph)

Frenkie de Jong Oo Sheegay in Uu Diiday City Iyo Psg:

Laacibka Shalay Ku Biiray Kooxda Barcelona Ee Frenkie de Jong Ayaa sheegay in uu kal hore iska diiday ku biiritaanka Kooxaha Psg Iyo Man City Ka Hor Inta uusan Dooran Barceolan (NOS, via Mirror)

Tottenham Oo Dooneysa Adrien Rabiot:

Kooxda kubada cagta Ee Tottenham Ayaa diyaar u ah inay soo qaataan Wiilka Psg Ka Gadoodsan ee Adrien Rabiot kasoo ay doonayaan in ku maareeyaan dhiibatada dhaawac ee kooxdooda heesata xilli ciyaareedkaan (France Football, via Star) 

Denis Suarez Oo Iska Sii Joogi Doono Barcelona:

Qadka dhexe ee Xulka Qaranka Spain Iyo Kooxda Barcelona Denis Suarez Ayaa Baaqi ku sii ahaan doona Kooxdiisa ilaa Dhamaadka Xilli ciyaareedka Kadib Markii Uu Burburay wada Hadalkii u Dhaxeeyay Barcelona Iyo Arsenal . (ESPN)

Real Madrid Oo Qaadaneysa Dybala:

Kooxda Horyaalka Spain Ka Ciyaarta Ee Real Madrid Ayaa Liiska Ku Darsaneeysa Inay Xagaaga Soo Qaataan Wiilka Reer Argentina ee Dybala oo 25-sano Jir ah Waxayna Ku Soo Qaadan Doonaan£90m oo Gini(Sun)

Chelsea Oo Raadineysa Elseid Hysaj:

Kabtanka Labaad Ee Kooxda Chelsea Azpilicueta Ayaa Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea Shaki Weyn La Gelinayaa Maadaama Macalinka Chelsea Sarri Uu Suuqa Ka Dalbaday Badalkiisa oo Uu U Arko Wiilka Napoli Ka Tirsan Ninka Lagu Magacabo Elseid Hysaj Oo 24-Sano Jir Ah (Mirror) 

Tottenham oo Ku Soo Biirtay Loolanka Loogu Jiro  Xidig Ka Tirsan PSV Eindhoven

Kooxda Man United Ayaa Looalan Kala Kulmeysa Dhigeeda Tottenham Qaabki Ay Ku Soo Qaadan Lahaayeen Steven Bergwijn oo Garabka Weerarka kaga Ciyaara Kooxda  PSV Eindhoven (Sun)

Mirror

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan