FT: Chelsea oo rigooreyaal ugu soo baxday Finalka Carabao Cup!

0
255

Kullan xiiso  badan oo dhex maray kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa goor dhow soo idlaaday.

Tottenham ayaa lugtii hore ee wareegga Semi-Final-ka tartanka Carabao cup kusoo adkaatay 1-0.

Balse kullankii caawa ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa waxaa Blues ay kusoo gashay qaab ciyaareed heer sare ah.

N’Golo Kante ayaa daqiiqaddii 27-aad ee ciyaarta dhaliyay goolka koowaad ee Chelsea, waxaana isla qaybtii hore ee ciyaarta kusoo idlaatay 2-0, ka dib markii Eden Hazard uu dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta daqiiqaddii 38-aad.

Markii dib la isugu soo laabtay ayay Spurs goolka madiga ee kullankii caawa, iyo kii barbarraha ee isku celceliska dhalisay, waxaana madax qurux badan dhaliyay Fernando Llorente daqiiqaddii 50-aad.

isku celceliska labada kullan ayaa ku idaalday 2-2, waxaana xeerka kullanka uu yahay inaan la xisaabin doonin goolka bannaanka, sidoo kalena uusan jirin waqti dheerri ah.

Sidaas darteed, rigooreyaal ayaa la tuurtay, waxaana Chelsea ay ku adkaatay 4-2.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan