Laga soo billaabo Torres illaa Morata, xaaladdii No. 9 Chelsea ciyaartoyda soo xiratay, Higuain miyuu la mid noqon?

0
241

Kooxda Chelsea ayaa waxa ay dhammeystirtay saxiixa weeraryahankeeda cusub ee Gonzalo Higuain, kaasoo xalay ay si rasmi ah ugu dhowaaqeen.

Xiddigga reer Argentina ayaa la guddoonsiiyay maaliyadda lambarka 9 ay dusha kaga qorantahay, taasoo uu ku ciyaarri doono.

Hase ahaatee, Lambarkan ayaa xambaarsan micno aad u liita marka la joogo kooxda Chelsea, iyadoo dhibaato bandhig xumo ah ay lasoo gudboonaatay xiddigihii soo xirtay.

Haddaba waxaan xogtan ku eegi doonaa ciyaartoydii ugu dambeysay ee Chelsea lambarka 9 u xirata tan iyo billowgii qarnigan, iyo wax qabadkoodii.

2000-2004 – Jimmy Floyd Hasselbaink

Waxa uu kaga soo biirray: Atletico Madrid

Kullamada uu u saftay: 177

Goolasha uu u dhaliyay: 88

2004-2005 – Mateja Kezman

Waxa uu kaga soo biirray: PSV

Kullamada uu u saftay: 41

Goolasha uu u dhaliyay: 7

2005-2006 – Hernan Crespo

Waxa uu kaga soo biirray: Inter

Kullamada uu u saftay: 73

Goolasha uu u dhaliyay: 25

2006-2007 – Khalid Boulharouz

Waxa uu kaga soo biirray: Hamburg

Kullamada uu u saftay: 20

Goolasha uu u dhaliyay: 0

2007-2008 – Steve Sidwell

Waxa uu kaga soo biirray: Reading

Kullamada uu u saftay: 25

Goolasha uu u dhaliyay: 1

2008-2009 – Franco Di Santo

Waxa uu kaga soo biirray: Audax Italiano

Kullamada uu u saftay: 16

Goolasha uu u dhaliyay: 0

2011-2014 – Fernando Torres

Waxa uu kaga soo biirray: Liverpool

Kullamada uu u saftay: 172

Goolasha uu u dhaliyay: 45

2015-2016 – Radamel Falcao

Waxa uu kaga soo biirray: Monaco

Kullamada uu u saftay: 12

Goolasha uu u dhaliyay: 1

2017-2018- Alvaro Morata

Waxa uu kaga soo biirray: Real Madrid

Kullamada uu u saftay: 72

Goolasha uu u dhaliyay: 24

Waxaa hadda isha lagu hayaa weeraryahanka cusub ee Higuain, kaasi oo lambarkan ku ciyaarri doona.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan