La Ogaaday: Sababtii Ay Manchester City Ku Wayday Saxiixa Frankie de Jong.

0
345

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa habeenimadii xalay ku guulaysatay saxiixa xidiga da’da yar ee Frankie de Jong.

Laacibkan ayaa sidoo kale xiisa ka helayay kooxo dhawr ah oo reer yurub ah kuwaas oo iyaguna dhankooda doonayay adeegga laacibkan.

Paris Saint Germain, Barcelona, Juventus, Iyo Machester City ayaa dhammaantood doonayay adeegga de Jong.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa shaaca ka qaadday in Manchester City ay ku guul darraysatay saxiixa laacibka reer Holland, kadib markii ay diidaay in ay asbuucii mushaar ahaan xidigan u siiso  300-kun oo gani, iyada oo lacagtaas ay miiska saartay Barcelona.

Kooxda Camp Nou ayaana sidaas ugu guulaysatay saxiixa laacibka ku wanaagsan ka ciyaarista qadka dhexe.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan